Dayactir Laga Bilaabay Runway-ga Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Boorama. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dayactir Laga Bilaabay Runway-ga Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Boorama.
October 12, 2013 - Written by Wariye:

booramaBoorama(Wajaale News)Olole dib loogu caraqaadayo dhabada ay diyaaraduhu ka haadaan soona caga dhigtaan ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Isaaq ee magaalada Boorama ayaa maanta qabsoomay, hawlgalkan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa waxa lagu bilaabay lacag qaadhaan ah oo ay soo direen haween ku abtirsada gobolkan oo jooga qurbaha, waxana hawsha meesha ka socota booqday badhasaabka Awdal, Maayarka Boorama, Xildhibaano, odaydhaqameedyo iyo daneeyayaal kale.

Ugu horayntii ayaa Caaqil Axmed Kaahin oo halkaasi ka hadlay uu u mahadnaqay haweenka bixiyay qaadhaankan hordhaca ah waxanauu yidhi ?
Mahad badan ayay mudan yihiin gabdhaha qurbaha ku nool ee soo bixiyay lacagta maanta garoonkan lagu bilaabay dhismihiisa, runtii waxa uu ahaa garoonkii u horeeyay ee Somaliland ay yeelato, waxana ka socon jiray dhaqdhaqaaq badan, waa duugoobay oo waxa uu u baahan yahay in gudo iyo dibadba la isugu tago oo loo guntado sidii dib loogu furi lahaa?
Md. Saleebaan Sh. Cabdilaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in talaabadan ay gabdhaha guqbojooga ah ku soo taageereen garoonkan ay tahay mid la doonayo in lagu baneeyo oo dhirta ka baxday wax lagaga qabto si loogu daydo, sidoo kale waxa uu carabaabay in garoonkan uu yahay mid halbawle oo ah oo faaiido u leh diyaaradaha mandaqadan isaga gooshaya, waxana uu ku baaqay in xukuumadu ay u guntato sidii ay uga rumayn lahayd balnqaadkeedii ahaa inay garoonkan ka shaqaysiiso.

Isuduwaha Duulista iyo Hawada ee Gobolka Awdal Md. Mustafe Maroodi ayaa sheegay in garoonkan hawsha ka socota ay tahay mid balaadhan isla markaana ay u gogol xaadhi doonto in Wasaarada Duulista iyo Hawadu ay soo dadajiso waxwalba oo qorshe ah oo ay ugu talo gashay dib u dhiska garoonkan, sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dayasho mudan yihiin haweenka bilaabay ururinta qaadhaanka garoonkan.

Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa xusay in iskaashigu uu yahay midka salka u ah waxqabadka waxana uu yidhi ?Waa hubaal oo iskaashigu waxa uu ku dhisan yahay in dal iyo dibadba la isku xidhnaado oo wax la wada qabsado, waxa aan u mahadnaqayaa qurbojooga, oo hawshan bilawgeeda gogosha u xaadhay, sidoo kale waxa aan xukuumada dhexe ka filaynaa inay sidii ay horeba u balan qaaday garoonkan dhisto, anaguna ka dawlad hoose ahaan wax walba oo kaalintayada ah waan ka qaadan doonaa.
Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed ayaa isaguna yidhi ?Waa hubaal in Boorama u baahan yahay garoon diyaaradeed, sababta oo ah waxa ka soo dagaya dadka dibadaha ka imanay, waxa ay fududaynaysaa isku socodaka mandiqada iyo arimo badan, sidoo kale waxa garoonka dhismihiisa masuuliyadiisa iska leh wasaarada duulista iyo hawada, sidaas oo ay tahay sedex bilood ka hor ayay ahayd markii ay wasaradu u soo dirtay injineero dib u eega garoonkan, waxana uu dhawaan ii sheegay Agaasimaha guud ee wasaarada oo aan la kulamay in wax walba ay gabogabo yihiin sidoo kalena ay hawsha garoonkan Boorama dhawaan bilaabi doonaan, sidaasi aawadeed waxa aan ku celinayaa in dalkani yahay mid curdin ah oo aanan xukuumada oo kaliya lagu halayn karin in garoonka la dhiso loona baahan yahay in dal iyo dibadba la isku qaylo dhaansado oo la iskugu yimaado sidii aan u dhisi lahayn garoonkan?
Si kastaba ha ahaatee dhawr bilood ayaa laga joogaa markii qaylo dhaanta dib u dhiska garoonkan Aadan Isaaq ee magaalada Boorama dal iyo dibadba la is gaarsiiyay, hawlaha socdaana wali waa kuwo u baahan in dabada laga riixo, masuuliyada ugu badana waxa ay dusha ka saaran tahay Wasaarada Duulista iyo Hawada oo la sugayo waqtiga ay waysada u soo biyaysan doonto ee ay wax ka qaban doonto dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Boorama.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS