Dawlada Hindiya Oo Baadhaysa Dahab Nin Ku Riyooday Inuu Ku Hoos Jiro Dhisme Qadiim Ah Daawo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Hindiya Oo Baadhaysa Dahab Nin Ku Riyooday Inuu Ku Hoos Jiro Dhisme Qadiim Ah Daawo
October 17, 2013 - Written by Wariye:

HINDIYACalcutta, (Wajaale News):- Dawlada Hindiya ayaa si cad shaaca uga qaaday in ay bilowday baadhitaan lagu samaynayo, dhisme nin ka tirsan madaxda tuulooyinka ee dalkaasi ku riyooday inuu ku hoos aasan yahay goobtaas, kaas oo loo diray khubaro ka soo saarta.

Sida wakaalada wararka ee Reuters uu u sheegay Praveen Kumar Mishra, oo ah aqoon yahanka ugu khabiirsan xeel dheerayaasha, dahabka iyo aataarta ee gobolka

Uttar Pradesh ee waqooyiga dalka Hindiya, waxa wakaalada baadhitaanada Aataarta iyo dhaxalka qadiimka ah ee dalka Hindiya baadhitaankan inay bilowdo u sabab ah, riyo laga wariyay nin Hinduu ah oo xukuma tuulo ku taal dalka Hindiya, kaas oo ku riyooday, in dhisme qadiim ah oo ku yaala dalkaas uu ku hoos aasan yahay, dahab kun tan gaadhaya.

Ninkan Hinduuga ah ee riyadiisa dawlada Hindiya ku hawl gashay iyadoo rejaynaysa inay hesho, dahabka tirada badan ee uu ku dooday, oo lagu magacaabo, Shobhan Sarkar, waxaanu sheegay in dahabkan uu lahaan jiray, boqor dalkaas xukumi jiray qarnigii sagaal iyo tobnaad kaas oo lagu magacaabi jiray, Rao Ram Xbox Singh.

 

 

 

Wajaale News

Hargaysa Office

Info:wajalenews@gmail.com

Repoter: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS