Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Somaliland La Yeelanaysa Xidhiidh Iskaashi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Somaliland La Yeelanaysa Xidhiidh Iskaashi.
October 16, 2013 - Written by Wariye:

dawlad deeganka somalida eHargeysa(Wajaale News)-Waftigii Wasiirada ahaa ee ka socday Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ee 12-kii bishan October booqashada ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa markii ugu horaysay ka badheedhay nooca xidhiidhka ay doonayaan inay Somaliland la yeesheen, kuwaas oo sheegay inay aad u  danaynayaan Xidhiidh-dhaw oo dhinacyo badan inay la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxa Xarunta Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Ethiopia Axmed Maxamed Shugri oo isagu Waftigaas Kililka 5-aad ka socday hogaaminayey oo ugu horayn shacbiga Somaliland ugu hambalyeeyey Munaasibada Ciidal Udxada oo ay shalay Bulshadad Caasimada kula Ciideen, isla markaana kula Tukadeen Masjid Jaamaca Hargeysa, kuwaas oo shacbiga iyo xukuumaddaba uga mahadnaqay sidii loo soo dhaweeyey iyo xilka la iska saaray soo dhawayntooda. Axmed Maxamed Shugri waxa uu tilmaamay inuu Xidhiidhka Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ka dhaxeeyaa uu yahay mid si wayn u sii kobcaya, kaas oo tibaaxay inay qayb Laxaadle ka qaadan doonaan sii xoojinta xidhiidhka labada dal. Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu shalay Xarunta Madaxtooyada Warbaahinta kula hadlay, isla markaana uu Hambalyada Ciidal Udxada ugu diriyey shacbiga Somaliland, ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu Shacbiga iyo Dawladda Somaliland-ba uga mahadcelinaynaa soo dhawaynta wanaagsan ee Kal iyo laabta ah ee ay noo muujiyeen mudadii aanu joognay oo ilaa iyo imikana waanu joogaynaa, waxaan jecelahay oo aan odhanayaa Xidhiidhka labadda dal wuu xoogaysan doonaa Hadii Ilaahay yidhaahdo oo waxaanu qayb ka noqonaynaa sii xoojinta xidhiidhka labada dal haday noqon lahayd dhinaca amniga iyo xaga Ganacsigaba iyo xidhiidhka dhaqan iyo xidhiidhkasta oo bulshada labada Wadan ee Somaliland iyo Ethiopia-ba dhexmari karaba, waxaanan Shacbiga reer Somaliland ugu tahniyadaynayaa Munaasibada Ciidal Udxada oo waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan, Ilaahay ha idinku gaadhsiiyo Ciidan-Ciideeda bash-bash iyo barwaaqo Insha Allaah”.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Dawlad-Deegaanka-Somalida-Itoobiya-Oo-Somaliland-La-Yeelanaysa-Xidhiidh-Iskaashi.html#sthash.nGS0Qa7P.dpuf

Maayirka Borama Oo Digniin U Diray Dhalinyarada Xilli Habeen Hore Rabshado Dhexmaray Dhalinyaro Ay Bur-bur Hantiyeed Sababtay.

Borama(Wajaale News)-Maayarka Magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi ayaa markii ugu horaysay ka hadlay falal habeenadii u dambaysay ka dhacday magaalada Boorama oo khalkhal galisay nabadgalyada, taasi oo ay ku kaceen qaar ka mid ah dhalinyarada Boorama.

Maayarka magaalada Mudane Saleebaan ayaa waxa uu waalidiinta iyo waxgaradka magaalada Boorama ka dalbaday inay caruurta waaniyaan, isla markaana ay uga digaan falalka fool xumada ah ee waxyeelaya amniga iyo nabad gelyada, sidaasi oo kale waxa uu ka digay cawaaqibka ay la kulmi doonaan dhalinta falalkan foosha xun samaynaya hadii ay ka waantoobi waayaan.

“Waxaad ogtihiin waxa soo kordhaya maalmahan dame falalka ugubka ah ee ku lidiga ah amniga ee ay dhalinyaradu samaynayso, habeen hore waxa magaalada ka dhacay boob iyo burburin ganacsi iyo hantiyeed oo ay dhalinyaro isku gadooday ka samaysay xaafadaha sare ee magaalada, caruurtaasi waxa ay ka soo baxeen waa guryaheena, ilmo kastana waxa dhalay waalid, marka la soo qabto ilmaha waxa ka daba imanaya waalid, marka guriga loogu tagona waxa uu odhanayaa waalidkii waan xanuunsanayaa, arintaas ka gun gaadhideeda ciidanka nabadgalyada iyo maamulkuba way ku hawlan yihiin oo way socotaa” ayuu yidhi Maayarka magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xadi oo maanta ka hadal ka jeediyay munaasibaddii Ciidul Udxa.

Maayarka Boorame waxa uu bulshada reer boorame ku booriyay gaar ahaan waalidiinta in ay waaniyaan oo ay la taliyaan caruurta isla markaan aya la socdaan waxyaabaha ay samayayaan caruurtu, waxaanu yidhi “Caruurta aan waanino oo aan wax u sheegno oo aan ogsoonaano in dhib ay waalidka ugu filan tahay inta ay ka nixinayaan ee ay wax dhibaato ah oo ka fog u soo jiidayaan. Waa arin masiibo ah ee aan ka ducaysano inaanay nagu soo noqon, caruurteenana aan u ducayno oo aan kala dagaalano dhaqan xumada.”

Ugu Dambayntii Maayar Saleebaan waxa uu xusay in sharciga lala tiigsan doono cid walba oo ay ku cadaato in falkan burburka dhaliyay ay ka qayb qaadatay sidoo kalena waxa uu ka digay in falkii habeen hore dhacay oo kale uu dib u soo laabto “Waxa aan ku baraarugsanahay ilaalinta amniga una dulqaadan mayno cid kasta oo fal aminiga duraya ku dhaqaaqaysa” ayuu yidhi Maayar Saleebaan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS