DALKEENU MUU GOBBLAMIN ,NIN RAGGINA KAMA DAWAAREYN. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DALKEENU MUU GOBBLAMIN ,NIN RAGGINA KAMA DAWAAREYN.
October 20, 2013 - Written by Wariye:

Waxaynu ogsoonahay  in dalkeena Somaliland soo maray marxaldo aad u adkaa oo bur –bur dad iyo dhaqaale ahaaba leh . waxaynu ILAAAHAY ugu mahadnaqno ah kasoo kabashada dhibaatooyinkii inagu habsaday mudadii 1988-1991.

Madaxdii kala duwaneyd ee soo qabatay hogaanka dalka waxay kasoo talaaabiyeen dalka cawaaqibo fara badan oo noocyo kala duwana leh .ugu horeyn,ku dhawaqistii gooni isu taaga somalinad oo ahaa go ‘aan aad u culusaa ,waxa ku xigtey  mideyntii iyo waalaleyntii beelaha Somaliland (hub-dhigis) iyadooy raacsanayd  sameynta dastuur dal lagu hagi karo.waxa kale oo aynu kasoo gudubnay taabaqaadka hanaanka dawladeed iyo hirgelinta dastuurka .imikana waxaynu  taaganahya marxalada ugu dhibta badan uga midhadhalka wacan   oo ah horumarinta dalka oo dhinacyo badan taabanysa sida ; dhaqaalaha ,waxbarashada ,caafimaadka iyo arrimaha bulshda .

Waxaynu aragna oo indha aan la iska qaban Karin dal yar oo jirey muddo 22 sanadood ah waxqabadka uu ku talaabsaday iyadoo deeqaha deeq bixiyaasha caalamku ayna si toosa u helin ,keliya aynu kusoo gaadhnay isku filnaanshaha  bulshada .

Aynu eegno mid ka mida dalalka addunka ugu horumarsan iyo sababaha u saamaxay ka mid noqosha da ,dalalkaas.dalka JAPAN waxa uu ka midyahay dalka ugu horumarsan  addunka kuna caan ah wax soo saarka ,nolosha dalka japan way jebantahy mana laha dabaqado kala duwan dhamaana dadku waa ay simanyihiin.dalka japan ma leh kheyraad dabiiciya ah runtii ,waxa keliya ee japan heerkaas ku gaadhay waa dadweynaha oo ah kuwa fekeraya ,waxsoo saarna leh wadniyaduna quluubtooda iyo jawaariixdoodaba dhex hirdamayso .

Waxaan aaaminsanahay oon hubaa haddii aynu  gacmaha isku qabsano horumarinta dalkeena iyo kor uqaadistiisa  inagoon gacan shisheeya waxba ka sugin inaynu la talaabsan karno dunida koowaad  .

Waakii abwaan xasan daaahir ismaaciil (weedhsame) lahaa :

Qof baad tahay guul abuura

Qof baad tahay guri yagleela

Qof baad tahay gaar ahaanta

Ku gaajo baxoo is keena

Gankaa kumaa dheero caaro,

Aqoontaaduna maa gaabnaa

Ma gaagixin aayahaagu

Dadkaaguna kuma giriifin

Dalkaagana kama go aysid

Galbeed yurub kuuma yeedhin

Giriiguna kuuma baahaan

Gobbaad tahay moog inteeda

Aynu awooda saarno u fikirka iyo horumarinta dalkeena waxaan kusoo gunaanudaya  mawduucayga “xal la ‘aan waa rag la ‘aan ,rag la ‘aana waa waxba la’aan “

 

Qallinkii ;Ahmed H .omer  Hussein(oday)

COMMENTS
LINKS