|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidii Carafo Oo Fooda Inagu Soo Haysa Iyo Suuqyada Dharka Hargeysa Oo Anay Ka Socon Wax Dhaq-dhaqaaq Ganacsi Oo Xoogan Iyo Sixir Barar Shacabka Samayn Balladhan Ku Yeeshay.Warbixin
October 12, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News)-Ayadoo ay maalmo koobani ka hadheen Ciiddii Carafo, ayaa waxa isbedal weyni ka muuqdaa dhaqdhaqaaqyadii suuqa dharka iyo bacadlayaasha oo xiligan oo kale aad mashquul iyo saxmada aad u badan laga dareemi jiray suuqyada dhinaca dharka iyo wixii kale ee la halmaala. Suuqyada Magaalada Hargeysa, ayaan waxa aan ka muuqan haba yaraatee diyaar-garow buuxa oo ku aadan farxadda Ciidda Carafo, waxaana bacadlayaasha suuqyada Hargeysa wax looga iibsadaa si teel teel ah oo la mid ah sidii maalmaha kale ee aan ciida ahyn, halkii Ciiddii tan ka horeysay ee Carafo qofka doonaya inuu dhar u doonto bacadlayaashu uu uga maagayey cidhiidhiga dadka ka adeeganaya iyo dadka kale ee wax ka iibsanaya awgeed. Ganacsatada bacadlayaasha qaarkood oo la waydiiyey isbedalka u dhexeeya Ciiddan iyo tii ka horeysay suuqa ayaa sheegay in ganacsigooda ay saamayn ku yeelatay busaarad ka jirta dalka, taasi oo ay sheegeen inay sababtay in dadwaynuhu awoodi waayaan inay carruurtooda bacadlayaasha keenaan oo ay Ciiddana dharka Ciidda u iibiyaan,sidoo kale, waxay sheegeen in suuqa kala iibsiga dharka ciidda uu hoos u dhigay qiimaha oo ka sareeya sidii hore, iyadda oo shay kasta qiimihiisu sare uga kacay sidii uu ahaa Ciiddii hore “Hooyo 60 doolar ayaan qaatay oo aan is lahaa laba Carruur ah ku sii ciidsii, laakiin lixdankii way soo wada kafayn waayeen”sidaa waxa tidhi haweenay carruurteeda dharka ciidda u soo iibisay, waxayna sida muuqata caddaysay inaan lacagta ay sheegtay aan laba carruur ah lagu ciidsiin Karin, qiimaha dharka awgeed. Marka aad dhex marta agagaarka suuqyada dharka gaar ahaan suuqyada waaheen iyo Gobanimo oo ah suuqyada wawayn ee dharka lagu iibiyo magalada Hargeysa ayaaan haba yaraatee anaad moodayn in ay todobaadkan gudihiisa ahaynba ciida Ciidul carafa,sababta ugu way ee loo anaynayo ayaa ah sixir barar dhinaca walba leh oo ragaadiyey shacabka reer Somaliland iyo isbedelka lacagta dollarka taasi aanay xukuumadda iyo ganacsato mid anay hoos u egayn dhinta haysata dadkooda. Wajaale News Related posts:Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Si Heer sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Dalka, Shaaciyayna Hankiisa Musharax... Daawo:“Anagu Hadaanu Wasiirada Nahay Muuse Biixi Ma Daba Yaacnee Hawlo Qaranka ah Uunbaanu U Raacnaa... Daawo: Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Guddida Dib U Eegista Xisaabaadka Qaran COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|