Ciidamadda Booliska Ee Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Abwaan Ismaaciil Jiheeye Iyo Hooyadii Oo Da´ Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamadda Booliska Ee Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Abwaan Ismaaciil Jiheeye Iyo Hooyadii Oo Da´ Ah
October 3, 2013 - Written by Wariye:

ismaacil yuusufHargeysa (Wajaale News) – Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye) iyo hooyadii  oo lagu magacaabo Caasha  ayay ciidamadda Booliska Somaliland Xabsiga U Taxaabaeen.
Ismaaciil Yuusuf Cabdi oo  la soo xidhiidhay wajaale news ayaa sheegay in ciidamadda Boolisku markii hore ay xabsiga u taxaabee hooyadii oo muddo todobaad ah xabsiga ku jirtay, ka dib markii lagu soo eedeeyay in wiil ay dhashay oo isaga hoos uga yar lagu helay dambi ah in uu ciidamadda booliska ula soo baxay hub, balse warkaasu uu ahaabaa buu yidhi mid aan sal iyo raad
toona lahayn.
Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “Hooyaday ayaa todobaad ku xidhan saldhiga ciidamadda booliska waxaana lagu xidhay inankaaga ayaa danbi galay dabadeedna  inankeeda oo ay niman kale dhul isku haysteen ayaa loo xidhay iyada oo nimanka ay dhulka isku haysteena ay ku doodayeen madaxweynaha ayaanu isku raas nahay, cidii madaxweynaha ay isku raas yihiina haddii ay wax isku qabsadaan dad kale gar naqooda ayaa ka socday maxkamada.

sida lay sheegayna inankii oo laga gar darnaa ayaa hooyadii oo meel iska joogta la soo xidhay  mudo todobaad ahna way xidhnayd markii  u tagay hooyaday  ee aan idhi maxaa lagu soo xidhayna inta uu nin igu yidhi waanu sii daynaynaa  ayuu saakana markaan u imid igu yidhi lama sii daynayee inankii ma wadaan dabadeedna  waxay  igu yidhaahdeen inankan yar ee qaad qoriga u dhiibtay soo daa aniguna”

waxa uu hadhwanaagnews u sheegay in isaga laftiisu uu hada xidhan yahay, waxaanu yidhi “imika waan xidhanahay oo jeelka ayaan ku jiraa hooyadayna mudo wiig ah ayey xidhan tahay labadayaduna sharci daro ayaanu ku xidhanahay wax aanu gaysana ma jirto, hooyadayna waxa la leeyahay walaalkay ayey u xidhan tahay  iyada oo taliye ku xigeenka CID-du nagu yidhi inankeedana waa laga gar daran yahay iyaduna way xidhan tahay  ayaa hadana aniguna aan u xidhanahay.”

Mar aanu waydiinay bal dhulkan cida leh, waxa uu yidhi “dhulka waxa leh labiyo toban nin dabadeedna waxay isku qabsadeen nin kale  oo ay isku qoys yihiin madaxweynaha dabadeedna doodoodii ayaa socotay oo maxkamada ayey ku jirtay inankuna waxa uu leeyahay waan iibsaday dhulka  ragan kalana waxay leeyihiin anaga ayaa lahayn dabadeedna arintoodii halkaas taagnayd ayaa dhacday in inanka aanu walaalaha nahay mar hore lagu xidhay wuu na caayey ka bacdina maxkamada ayaa damiinatay  isaga oo damiinkaas ku joogana ayaa dagaal lagu soo qaaday oo layskugu tagay kaas oo ay isku tageen ninkaas dhulka ku haysta oo la yidhaa gaydh iyo sadex nin oo ay walaalo yihiin, markii ay iskugu tageen ee uu isaguna ka baxsaday ayaa hadana loo soo kaxaystay laba nin oo Police ah kuwaas oo gaadhi ku eryaday markaasuu inankiina inta uu quraarad cadar ula baxay ku yidhi walaahi inaan banbadaa idinku dhufan.

dabadeedna banbo ayuu la baxay ayaa lagu soo xidhay hooyaday, waxa uu la soo baxayna waa quraarad cadar ee maaha banbo, hadana isaga oo aan wax rabshad ah samayn oo aanu nidhi waanu soo qabanaynaa haddii uu danbi galay  ee islaanta soo daaya iyada oo anigana laygu yidhi inankiinii qori ayaad u dhiibtay aniga oo aan qorina u dhiibin qori aan leeyahayna aanu jirin  labadayaduba shicib ayaanu ahayn ee qoryaha xagee ayaanu ka keenay.”

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS