|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Ninkii Xildhibaan Qabile Rasaaseeyay .
October 25, 2013 - Written by Wariye:
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Bilayska, balse Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, ayaa sheegay in Kabtan Taabir Maxamed Ducaale, halkaasi lagu soo qabtay isagoo ku sii jeeday dhinaca Magaalada Berbera,kuna safraya Gaadhi gaar ah, ka dibna loo soo dhaadhiciyay dhanka Magaalada Hargeysa, inkasta oo aan la ogayn meesha lagu xidhay. Sarkaalkan ayaa falka uu geystay muran siyaasaddeed iyo walaac xisbiyadda Mucaaridka ah la soo dersay, dalka ka buuray dhawrkii maalmihii la soo dhaafay, waxaana lala xidhiidhiyay inay ka dambeeyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda oo soo adeegsaday,balse iyaguna eeddaasi iska fogeeyay. Tabaarig Maxamed Ducaale ayaa maalin ka dib markii uu falka ku kacay, Warbaahinta ka cadeeyay inuu Rasaas ku riday Xildhibaanka, isagoo ku andacooday inuu rasaastaasi isku difaayay, ka dib markii sida uu sheegay qabille ula baxay Baastoolad, ka dib markii uu Kaftan ahi dhex maray. Balse sida laga soo xigtay Xildhibaanka, Tabaarig ayaa ilaa saddex Xabadood ku riday, isla markaana hadal ay ka muuqatay cadiifad siyaasaddeed ku yidhi ka hor intaanu xabadaha ku ridin, sida uu Xildhibaan qabille ku dooday. Taliyaha Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman oo isna dhacdadan ka hadlay, ayaa laba maalin ka hor warbaahinta dawladda u sheegay inay Bilaysku baadhaayan falkaasi sida uu u dhacay iyo sababta keentay. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|