Booliska Britain Oo Xabsiga Dhigay Nin Tooray La galay Aqalka Boqortooyadda UK | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Britain Oo Xabsiga Dhigay Nin Tooray La galay Aqalka Boqortooyadda UK
October 15, 2013 - Written by Wariye:

londonLondon-(Wajaale News)-Ciidammada Booliska ee qasriga boqortooyada UK (Buckingham Palace), ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan toori,oo isku dayey inuu gudaha u galo xarunta Boqortooyada Isniintii todobaadkan.

Ninkan oo da’diisu lagu sheegay 44 sanno jira, waxay ciidammadu ku qabteen albaabka geydhka weyn, kaasoo ku socday Xarunta Boqoradu degantahay,kaasoo gacanta ku sitay mindi, laakiin waxay boolisku intaa ku dareen inaanay u suurtagelin ninkaasi inuu gudaha u sii galo Xarunta Boqorada.

Boolisku waxay sheegeen in Ninkan la xidhay looga shakisanyahay inuu qorsheynayay sidii uu u qabsan lahaa goob aad loo adkeeay ammaankeeda oo ay yaalaan hub, waxaannay inta araaciyeen inuu ninkan oo magaciisa ka qariyay ku jiro xabsiga.Bucking

Dhinaca kale, dhawr qof oo kala duwan ayey ciidammada ka hortaga Argagixisadu shalay ku qabqabteen magaalada London, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid ka hortag ah, iyadoo ciidanka ammaanku tilmaameen in ragga la qabqabtay looga shakisan yahay inay maleegayeen falal argagixiso.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS