Booliiska Wajaale oo xabsiga dhigay wadaad ka hor yimid Talaalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliiska Wajaale oo xabsiga dhigay wadaad ka hor yimid Talaalka
October 25, 2013 - Written by Editor:

Wajaale(wajaalenews) Booliiska Wajaale ayaa la sheegay salaadii Jimcaha kadib in ay xabsiga dhigeen sheikh la yidhaahdo Khadar kaasoo qudbadii Jimcaha ku naqdiyaya Talaalka la siinayo dadweynaha.
wajaaleIlo wareed ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay qudbada uu sheikh khaddar ka jeediyay Masaajidka in uu Talaalka ku tilmaamay qashinkii dagaaladdii Adduunka isla markaana waxa uu ku booriyay inaanay haboonayn af-kooda in ay ku shubaan.
Qudbada Sheekha kadib waxa la sheegay in uu Degmadda Wajaale gaadhay Badhasaabka Gobolka Gabilay kaasoo amray sida warku sheegay xadhiga Sheekha,loona soo dhaadhiciyay jeelka magaalada gabiley kaasoo illaa hada ku xidhan saldhiga Booliiska.
Talaalka Cudurka Dabaysha ayaa si habsami ah uga socda dalka waxaanu noociisu yahay mid ka duwan Talaaladii hore ee Carruurta oo kali ah ala siin jiray, waxaaana noocan ku jira Dadka waaweyn.

 

wajaalenews office destop

COMMENTS
LINKS