BBC-da Oo Heshay liiska Tobanaan Rag Ah Oo kaTagay Dalka Ingiriiska Kuna Biiray Kooxda Al-shabab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
BBC-da Oo Heshay liiska Tobanaan Rag Ah Oo kaTagay Dalka Ingiriiska Kuna Biiray Kooxda Al-shabab.
October 24, 2013 - Written by Wariye:

bbc londomLondon(Wajaale News)-BBC ayaa heshay magacyada ku dhawaad 50 qof oo ka tagay dalka Britain oo toos ugu biiray kooxda Al-Shabaab iyo ururada xidhiidhk la leh. Inta badan dadka ku jira liiskan waxa ay u safreen Soomaaliya si ay uga dagaallamaan ama ay isku dayaan in ay ka barbar dagaalamaan kooxda al-shabaab,
Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya, ayaa waxa ay masuul ka ahayd weerarkii Westgate ee dalka deriska la ah ee Kenya.

Qareenada qoyska mid ka mid ah dadka British-ka ah ee al-Shabaab ay qorteen oo la ogyahay inuu ku dhintay Soomaaliya, ayaa hadda baadhaya sida uu u dhintay.

47 magac oo BBC ay isku duwday ayaa waxa laga soo aruuriyay, maxkamadaha UK iyo dibedda iyo weliba cilmi-baadhis xog-ogaal ah.

Magacyadu ma ahan dhammaan liiska dadka ka tagay UK ee looga shakiyay inay gobolka aadeen si ay ugu dagaallamaan.

Cilmi-baaristu waxay sheegtay in ugu yaraan 32 ka mid ah dadkan ayaa la aaminsan yahay inay u baxeen inay dagaallamaan

Toddobo kale ayaa lagu sheegay maxkamaddaha UK in ay isku dayeen inay galaan Soomaaliya, laakiin qorshahoodi markii la ogaaday laga hor istaagay.

Qaar kale waxaa lagu eedeeyay ama lagu helay inay lacag u uruurinayeen al-Shabaab, ama ay fududeynayeen safarada kuwa kale.

Inta badan shaqsiyaadkaasi waxa ay ku dambeeyeen lama oga – laakiin afar waa la hubaa inay dhinteen.

Waxaa ku jira Tufail Axmed, oo ahaa Bangladeshi asalkiisa, oo ku soo koray xaafadda Stepney Green ee bariga magaalada London.

BBC waxay oggaatay in booliiska iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda ay ku khabaar geliyeen qoyskiisa inuu ku dhintay Soomaaliya bishii November 2012.

Qoyska ayaa waxay ka dalbadeen hey’adda samafalka ee Reprieve in baaritaan lagu sameey wararka sheegaya in militeri reer Galbeed ay ku lug lahaayeen dilkiisa.

Muuqaal video ah, oo al-Shabaab ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Tufail uu ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamo Mareykan iyo British ah,Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info:Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS