Arday ku Guulaysatay Inay Ayax u Beddelaan Daqiiq Laga Sameeyo Roodhi Waddamada Saboolka Lagu Quudiyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arday ku Guulaysatay Inay Ayax u Beddelaan Daqiiq Laga Sameeyo Roodhi Waddamada Saboolka Lagu Quudiyo
October 3, 2013 - Written by Wariye:

kanadaKanada(Arday ka tirsan Jaamacadda McGill University oo ku taal magaalada Montreal ee dalka Kanada, ayaa ku guulaysatay inay cunto u helaan maalayiin qof oo ku gaajaysan waddamada caalamka, kadib markii cayayaanka loo yaqaan Ayaxa ay beer ku beereen, kadibna u beddeleen daqiiq laga sameeyo roodhi.

Ardaydan waxay qorshahoodan cunto soo saarista ugu talagaleen in ay uga faa?iidaystaan sidii Ayaxa loogu beeri lahaa waddamada faqiirka ah ee ay ka midka yihiin Mexico, Thailand iyo Kenya, kuwaasoo cayayaankan looga samayn doono roodhi ay quutaan.
Ardaydan waxay sheegeen in haddii siday ugu talagalaan ku guulaystaan cuntadan qoys kasta kaydsan karo cunto sannad ku filan, gaar ahaan dadka beeralayda ah.

Qorshahan ardaydu keentay oo ku guulaystay sannadka 2013 abaal-marinta la yidhaa Hult Prize, kuwaasoo shanta arday ee hormoodka ka ahaan aku guulaysteen hal milyan oo doollar si ay qorshahoodan ugu beddelaan mid dhab ah oo laga faa?iidaysto.

Tartan loo dhigay 10,000 arday oo ka kala socday kuleejyo iyo Jaamacaddo ayaa ardan lixda qof ka kooban ku guulaysteen billada Hult Prize oo ah bilad la siiyo ardayda faa?iidada caalamka ku soo kordhisa oo uu bixiyo Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Bill Clinton.

Sannadkan tartanku wuxuu ahaa in ardaydu keenaan mashruuc lagu abuuraayo cunto dadka saboolka ah quutaan, gaar ahaan cunto 200 milyan oo degaannada miyiga saboolka ku nool cunto ahaan ka dhigan karaan.

?Tani waa fursadayadii aannu ku kordhin lahayd, kuna xalin lahayn caddaadisyada caalamka haysta mid ka mid ah, gebi ahaan balaayiin dad ah ayaa gaajo halis ugu jira maalin kasta, iyadoo xal cusub aan marnaba loo keenin, in xal laga gaadho cunto yaraantana waa mid ka sii daraysa.? ayuu yidhi Axmed Ashkar oo ah aasaasha iyo Madaxa Abaal-marinta Hult Prize.

Ardayda qorshan keentay oo diyaarinaysa shahaadada MBA ayaa kala ah Maxamed Ashour, Shobhita Soor, Jesse Pearlstein, Zev Thompson iyo Gabe Mott oo isku magacaabay Spire Food Group oo macnaheedu tahay Kooxda Rajada Cuntada.
Wajaale News
Hargaysa Office
Please Contact wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS