|
|||||
WAJAALE NEWS
Allaah Ha U Naxariistee Abwaan Cali Banfas Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa
October 22, 2013 - Written by editorTaariikh Kooban Abwaan CALI XASAN AADAN (CALI BANFAS)
Marxuumka oo ahaa hal abuuradda ugu caansan dhulka ay soomaalidu degto ayaa waxa uu ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaala Magaaladda Hargeysa, Gaar ahaan xaafada 150-ka ee Degmadda 26-ka June waxaana la sheegay in uu marxuumku in muddo ah u jiifay xanuun Asiibay. waxaanu ilaahay marxuumka uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, eheladii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo. Taariikh Kooban Abwaan CALI XASAN AADAN (CALI BANFAS)
Abwaan Cali Xasan Adan oo ku magacdheer “Cali Banfas” waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa Sanadkii 1948kii. waxa uu tacliintiisa Hoose ilaa sare ku dhamaystey magaalada Hargeysa. Isagoo tacliinta Waxbarista ku dhameystey Kuliyaddii Lafoole sanadku markuu ahaa 1970kii. Waxaa uu mudodheer kusoo shaqeeyey barre/macalin. Cali Xasan waxa uu bilowgii 80kii ilaa dhamaadkii sideetamaadka ku qaatay noloshiisa xabsi uu ku mutaystey la gabasho la’aantiisii halgankii uu kaga horyimad Taliskii Siyaad Barre iyo sidii uu ula waaban waayey kamid ahaanshihiisa halgamayaashii SNM, taasi oo uu ku mutaystay xabsi adag.
Waxaa lagu xussuustaa sidii dhiiranaeyd ee uu MAXKAMADDII BADBAADADA oo lagu qaadayey kiiskiisa uu uga hor tiriyey isla gabaygii lagu soo eedeeyey, taasoo ahayd waxaan hore u dhicin dibna u dhicin, Isaga oo tiriyay gabay uu kaga soo horjeedo kacaankii faashhilka ahaa ee Afwayne yaa Maxkamada looga yeedhay oo la yidhi gabaygaa ma adigaa tiriyay wuxuu yidhi haa kaasi wuu ku dhaafaye kan kale dhagayso(akhri/dhageyso gabayada KUDKUDE, DUUFAAN, ONKOD IYO SAADAAL. kuwaasoo kamid ahaa kuwii ugu cuslaa dhinaca halganka lagu mijo xaabiyey taliskii Siyaad Barre
Allah Ha U Naxariistee Marxuum Cali Xasan Aadan ayaa isla maanta lagu aasi doonaa Magaaladda Hargeysa. Inaa Lilaah Wa Inaa Ilahayhi Raajucuun. WAJAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com
Related posts:DAAWO;-Wasiir Ku Xigeenka Caafimadka JSL Oo Ka Qayb galay Adeegyo Caafimaad Oo Lacag La,aan Ah Loo ... “Amaantaydii Gabiley, Ma Ahayn Af gobaadsi, Hadal Gole Ka Fuul, Iyo Erayo Gole Kaga Kac Ah Toonna”Si... DAAWO; Jawigii Saaka Ee Wasaaarada War-Faafinta Somaliland , Ciidamo La Wareegay Iyo Gadoodkii Shaqa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|