70-Jir Aan Baylood Ahayn Oo Ku Guulaystay Inuu Nabad Galyo Ku Dejiyo Diyaarad Duuliyihii Geeriyooday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
70-Jir Aan Baylood Ahayn Oo Ku Guulaystay Inuu Nabad Galyo Ku Dejiyo Diyaarad Duuliyihii Geeriyooday
October 12, 2013 - Written by Wariye:

diyaaradLincolnshire (Wajaale News):- Oday waayeel ah oo lagu magacaabo John Wildey, cimrigiisana lagu sheegay 76-jir, waxa uu maalintii arbacadii galay safar, waxaana uu diyaarad la raacay nin duuliye ah, hasa yeeshee markii ay diyaaradaasi duulimaadkeedi ku guda jirto ayaa waxa si ka dis ah loogu soo booday, ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradaas, waxaana khasab ku noqotay in uu xal raadiyo.

Odaygan ayaa isaga iyo saaxiibkii waxa ay dib uga soo laabanayeen, degaanka galbeed ee Lincolnshire resort of Skegness, loogu yeedho, waxaana mar kaliya iyadoo diyaaradu joog sare ku duulaysa isla markaana xawaare sare ku socota mar kaliya lagu soo booday duuliyihii, taas oo sababtay in kala garashadu ka tagto duuliyihii.
John Wildey, ayaa talo ku cadaatay, oo deg deg u tiiriyay saaxiibkii oo aan meel dhaqaaqda lahayn, waxa uu la xidhiidhay taawerkii ugu dhawaa ee Madaar uu xidhiidh la samayn karo, waxaanu la xidhiidhay Tower-ka Madaar Lagu magacaabo Humberside Airport, halkaas oo uu nasiib wanaag ka helay gabadh lagu magacaabo Mr Wildey, taas oo deg deg ugu dalbatay qof aqoon u leh duulinta oo hagay kuna simay ilaa heer uu diyaaradii si nabad galyo ah u soo dejiyo garoonkaas.
Odaygan ayaa ka waramay talooyin aad u haboonaa oo uu siiyay ninkii dhulka ka hagayay, kuwaas oo si taxadir leh uga dhaadhiciyay waxa yeelayo, waxa looga bilaabay in uu kursiga ku fadhiisto, waxa mid mid loogu tilmaamayay talaabooyinka uu qaadayo.
Sida wargeyska Daily Mail oo warkan tabiyay ku waramay, hagihii dhulka ka maamulayay ayaa odaygan ka hor istaagay deg deg uu ku rabay in diyaarada uu dejiyo, waxaanu si khibradi ku jirto, marba ugu tilmaamayay talaabada uu qaadayo isaga oo ugu darayay, is deji, caqli isku mamul, iska daa deg dega.
Lix iyo todobaatan jirkan aan waligii wax diyaarad ah kaxaynteeda iyo barashadeeda dan u yeelan, ayay suura gal u noqotay in wax badan uu ku fahmo tilmaamihii laga siinayay dhulka, kuwaas oo loogu kala cadeeyay sawirada humaag beenaadka ah ee qofku sawirta iyo qiyaasta sida aanu u wada rumaysan Karin, tusaale ahaan qofku ma garan karo qiyaasta lagu dejin karo diyaarada, hadday tahay xawaare iyo haddii ay ahaan lahayd jooga intaba, waxaanay ka mid ahaayeen tilmaamahaasi kuwii ugu badnaa ee la fahamsiiyo odaygaas.

Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS