23 Qof Oo Soomaali Ah Oo U Sii Jeeday Gudashadda Waajibaadka Xajka Oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Nairobi Oo Maalintii Seddexaad Xidhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
23 Qof Oo Soomaali Ah Oo U Sii Jeeday Gudashadda Waajibaadka Xajka Oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Nairobi Oo Maalintii Seddexaad Xidhan
October 11, 2013 - Written by Wariye:

Kenya-(Wajaale News)- Seddex Labaatan qof oo Soomaali ah oo u sii jeediyay gudashadda waajibaadka Xajka oo Seddex cisho ka hor lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Jomma Keneyatta Airport, ayaa maalintii Seddexaad weli ku xidhan  xabsi ku yaala caasimadda dalka Kenya ee magaaladda Nairobi, iyaga oo ku eedeeyay in ay  siteen  dikomantiyo cadaynaya deganaanshiyo la soo macmalay oo been abuur ah.

Saraakiisha dhinaca socdaalka ee dalka Kenya ayaa sheegay in 23-kan qof ee Soomaalida ah ee laga qabtay Airporka Magaalada Nairobi  iyaga oo sita Baasaabooro Soomaali ah
oo loogu dhu ftay deganaanshiyo dalka Kenya ah oo foojari ah.

Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa warfidiyeenadda u sheegay in 23-kan qof ay siteen baasaabooro lagu soo dejiyay fiisooyin muuujinaya deganaanshoiyaha dalka Kenya oo  la soo macmalay, waxaanu sheegay in dadkan Soomaalida ahi ee la xidhay ay intooda badani ka yimaadeen xeryaha ay ku jiraan qaxoontiga Soomaalida ah ee u yaalla Kenya ee Dhadhaab iyo Kaakuma, waxaanu xusay in dad mukhalsiin ahi ay si qayrul sharci ah uga qaadeen lacag aad u badan ka dibbna ay baasaabooradooda ku soo dhufteen deganaanshiyahan macmal-ka iyaga oo dadkaa u sheegay in uu sharci  yahay.

 

Hargeysa Office
Wajaale News
Info wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS