Xukuumadda Somaliland Oo Qalab Lagu Casriyaynayo Jidadka Dalka Ka Soo Iibsatay China iyo Weftigii Somaliland ee Socdaalka ku tagay China oo Ka Warbixiyay Gunaanadka Natiijadii Safarkooda + SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Qalab Lagu Casriyaynayo Jidadka Dalka Ka Soo Iibsatay China iyo Weftigii Somaliland ee Socdaalka ku tagay China oo Ka Warbixiyay Gunaanadka Natiijadii Safarkooda + SAWIRO
September 30, 2013 - Written by editor

Weftigii ka socday xukuumadda Somaliland ee socdaalka mudada qaatay ku joogay dalka China, ayaa daboolka ka qaaday inay soo gunaanadeen safarkoodii,

 

Xukuumadda Somaliland Oo Qalab Lagu Casriyaynayo  Jidadka Dalka Ka Soo Iibsatay China iyo Weftigii Somaliland ee  Socdaalka ku tagay China oo Ka Warbixiyay Gunaanadka  Natiijadii Safarkooda + SAWIRO

 

 

 

 

xukuumadda Somaliland ee socdaalka mudada qaatay ku joogay dalka China, ayaa daboolka ka qaaday inay soo gunaanadeen safarkoodii, ka dib markii ay dalka u soo iibiyeen qalab kala duwan oo loogu tallo galay in lagu fuliyo himiladda qaranka ee la xidhiidha casriyaynta iyo dib u dhiska  jidadka dalka.

Maareeyaha Hay?adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Prof.  Xassan Cali Cismaan oo warbixin koobaan ka bixiyey Safarkooda ayaa ku tilmaamay  mid guullo hor leh ay ka soo hooyeen sidoo kale ammaan badan u jeediyey xukuumadda maanta talada dalka haysa, kaas oo uu ku sifeeyey mid ay ka go?an tahay hirgalinta iyo hagaajinta wadooyinka dalka, Mareeyaha ayaa carabka ku adkeeyey in siyaasadda uu dalka ku hogaaminayo Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ay tahay mid ku jihaysan isku xidhka iyo horumarinta wadooyinka dalka.

 

 

Sidoo kale Mareeyuhu wuxuu mahadnaq badan u jeediyey Gudoomiyaha gudida qandarasyada qaranka Md. Aadan Xasan Nugaal  isagoo  ku ammaanay kaalinta muga  leh ee uu ka qaatay isbar-bar dhiga tayada iyo qiimayaasha qalabka wadooyinka isagoo hoosta ka xariiqay  inuu yahay masuul xilkiisi si sharaf iyo milgo leh uga soo baxay

Maareeyuhu wuxuu bulshada  ugu Bushaareeyey in ay u soo heleen qalab tayo sare leh oo wax badan ka tari doona baahida jidadka ee dalka, waxaanu  balan-qaaday in mustaqbalka dhow laga arki doono jidadka dalka oo la horumariyay.

Geesta kalena, Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Md. Aadan Xasan Nugaal oo ka hadlayay  ujeedada safarka iyo guulaha ay ka gaadheen, waxaanu sheegay  inuu socdaalkoodu ahaa mid dheer. Waxaanu carabaabay in qasdiga socdaalkooda nuxurkiisu ahaa sidii qiimayn sugan iyo daraasad looga soo samayn lahaa qalabka wadooyinka Somaliland u baahan yihiin.

Guddomiyuhu waxa  uu intaasi ku daray in ay qiimayn mugleh  ka soo sameeyeen shirkaddo badan oo laga leeyahay dalka China,  waxaanu xusay inay ku guulaysteen  inay soo darsaan qalabka kala duwan ee  jidadka dalku u baahan yihiin.

Gabo-gabadii wuxuu Gudoomiyaha  Gudida qandarasyada qaranku sheegay in muhiimada safarkiisi  ahayn oo kaliya iibinta qalabka wadooyinka balse sidoo kale uu ku lamaana u  kuur galida qalabyada  kala duwan ee laga soo waarido dalka China iyo tayo-da shirkadaha laga keeno.

Weftigu waxay sheegeen inay shacbiga Somaliland ku bogaadinayaan siday uga go?an tahay inay xukuumadda kala shaqeeyaan dayactirka iyo horumarinta waddooyinka, waxaanu  intaas ku dareen in qalabka ay soo wadaan uu yahay mid wax ka tari kara himiladda qaran ee lagu casriyaynayo waddooyinka goboladda dalka.

Si kastaba ha ahatee soo iibiinta qalabkan ayaa ku soo beegmaysa xili bulshada ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalku dhamaan u sara kaceen hirgalinta iyo hagaajinta Wadooyinka, waxayna dardar galinaysaa  himilada hagaajinta wadooyin  isku xidha gobolada iyo degmooyinka dalka  

 

 

COMMENTS
LINKS