|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Qalab Lagu Casriyaynayo Jidadka Dalka Ka Soo Iibsatay China iyo Weftigii Somaliland ee Socdaalka ku tagay China oo Ka Warbixiyay Gunaanadka Natiijadii Safarkooda + SAWIRO
September 30, 2013 - Written by editorWeftigii ka socday xukuumadda Somaliland ee socdaalka mudada qaatay ku joogay dalka China, ayaa daboolka ka qaaday inay soo gunaanadeen safarkoodii,
Xukuumadda Somaliland Oo Qalab Lagu Casriyaynayo Jidadka Dalka Ka Soo Iibsatay China iyo Weftigii Somaliland ee Socdaalka ku tagay China oo Ka Warbixiyay Gunaanadka Natiijadii Safarkooda + SAWIRO
xukuumadda Somaliland ee socdaalka mudada qaatay ku joogay dalka China, ayaa daboolka ka qaaday inay soo gunaanadeen safarkoodii, ka dib markii ay dalka u soo iibiyeen qalab kala duwan oo loogu tallo galay in lagu fuliyo himiladda qaranka ee la xidhiidha casriyaynta iyo dib u dhiska jidadka dalka. Maareeyaha Hay?adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland Prof. Xassan Cali Cismaan oo warbixin koobaan ka bixiyey Safarkooda ayaa ku tilmaamay mid guullo hor leh ay ka soo hooyeen sidoo kale ammaan badan u jeediyey xukuumadda maanta talada dalka haysa, kaas oo uu ku sifeeyey mid ay ka go?an tahay hirgalinta iyo hagaajinta wadooyinka dalka, Mareeyaha ayaa carabka ku adkeeyey in siyaasadda uu dalka ku hogaaminayo Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ay tahay mid ku jihaysan isku xidhka iyo horumarinta wadooyinka dalka.
Sidoo kale Mareeyuhu wuxuu mahadnaq badan u jeediyey Gudoomiyaha gudida qandarasyada qaranka Md. Aadan Xasan Nugaal isagoo ku ammaanay kaalinta muga leh ee uu ka qaatay isbar-bar dhiga tayada iyo qiimayaasha qalabka wadooyinka isagoo hoosta ka xariiqay inuu yahay masuul xilkiisi si sharaf iyo milgo leh uga soo baxay Maareeyuhu wuxuu bulshada ugu Bushaareeyey in ay u soo heleen qalab tayo sare leh oo wax badan ka tari doona baahida jidadka ee dalka, waxaanu balan-qaaday in mustaqbalka dhow laga arki doono jidadka dalka oo la horumariyay. Geesta kalena, Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Md. Aadan Xasan Nugaal oo ka hadlayay ujeedada safarka iyo guulaha ay ka gaadheen, waxaanu sheegay inuu socdaalkoodu ahaa mid dheer. Waxaanu carabaabay in qasdiga socdaalkooda nuxurkiisu ahaa sidii qiimayn sugan iyo daraasad looga soo samayn lahaa qalabka wadooyinka Somaliland u baahan yihiin. Guddomiyuhu waxa uu intaasi ku daray in ay qiimayn mugleh ka soo sameeyeen shirkaddo badan oo laga leeyahay dalka China, waxaanu xusay inay ku guulaysteen inay soo darsaan qalabka kala duwan ee jidadka dalku u baahan yihiin.
Related posts:Gudoomiye Cirro Oo Kulan La Yeeshay Dhigiisa Ethiopia, Socdaal Booqasho Ahna Kusoo Maray Carwada Dha... Daawo:Muxuu Ka Yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Doorashada Somaliya Iyo Saamaynta ay Somaliland Ku ... Daawo:Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa Oo Bilwday Barnaamij La Magac Baxay La Tashiga Dadwaynaha COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|