|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Siilaanyo Oo Maaweelo Ka Dhigatay “May bixin Genel Energy” Iyo Reer Burco Oo Noqday Dad Horumarka Wadanka Ka Soo Horjeeda
September 14, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa-(Wajaale News)-Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa maaweelo ka dhigatay go’aankii shirkadda Genel Energy todobaadkii hore ku joojisay hawlaha baadhista shiidaalka ay ka waday qaar ka mid ah Gobollada Bariga Somaliland.Shirkadda Genel Energy PLC oo si wadajir ah uga diwaangashan dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa markii ugu horreysay oo ay ka hadashay bixitaankeeda ku caddaysay inay sababo ammaan darro awgeed uga baxday deegaannadii ay hawlgalka ka waday. Balse, xukuumadda Madaxweyen Siilaanyo oo ku can-baxday inay majara-habaabin iyo maaweelo ku asqeeyaan shacabka, ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay ninka ku hadla afka madaxtooyadda ee Axmed Saleebaan, kaasoo lagu sheegay in Genel sii wadayso hawlaheedii. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Wasiirada Arrimaha dibeda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo todobaadkii ugu danbeeyey socdaal shaqo ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay madaxda shirkada Genel Energy oo hawlo shidaal baadhisa ka waday Jamhuuriyada Somaliland dhawaana sheegtay inay si ku meel gaadha u hakisay shaqadii shidaal qodista ayaa kulankaasi waxaa ka soo baxay sida ay noo xaqiijiyeen xubnahaa weftiga wasiiradu in shirkadaa Genel Energy aanay ka tegay Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay hawsheedi sii wadidoonto. Hakis-kaasina uu ahaa mid ay ka dhalatay amba fursad siiyey in ay ka soo baxdo in labada dhinac ay si dhaw oo xoogleh uga wada shaqeeyaan sidii hawshaasi looga gaadhi lahaa ujeedooyinkii laga lahaa, Dawlada Somaliland ay balan qaaday waxkasta oo fudaydinaaya siina adkaynaaya wada shaqaynta labada dhinac ay fulinayso, sidii hore iyo si ka sii wanaagsan.
Wajaale News Hargeysa Office wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO;-Hoodo Garays Oo Ka Warbixisay Jidh Dil Iyo Xadhig Ay Kula Kaceen Ciidanka Booliska Somaliland... DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Burco Loogu Sameeyay Sh, Cali Warsame Oo Kamid Ahaa Culimada Waawayn E... Farshaxannimada Luuqada Qodaalka, Markal Lagu Cabirayo Fooraha Doorashooyinka Iyo Duruufaha Taagan! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|