Xukuumadda Siilaanyo Oo Maaweelo Ka Dhigatay “May bixin Genel Energy” Iyo Reer Burco Oo Noqday Dad Horumarka Wadanka Ka Soo Horjeeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Siilaanyo Oo Maaweelo Ka Dhigatay “May bixin Genel Energy” Iyo Reer Burco Oo Noqday Dad Horumarka Wadanka Ka Soo Horjeeda
September 14, 2013 - Written by Wariye:

Genel EnergyHargeysa-(Wajaale News)-Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa maaweelo ka dhigatay go’aankii shirkadda Genel Energy todobaadkii hore ku joojisay hawlaha baadhista shiidaalka ay ka waday qaar ka mid ah Gobollada Bariga Somaliland.Shirkadda Genel Energy PLC oo si wadajir ah uga diwaangashan dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa markii ugu horreysay oo ay ka hadashay bixitaankeeda ku caddaysay inay sababo ammaan darro awgeed uga baxday deegaannadii ay hawlgalka ka waday.
“Markii xaaladda ammaanku sii xumaatay oo ay ka soo rayn weyday ayaannu si ku-meel-gaadh ah u hakinnay hawlihii la xidhiidhay dhinaca shidaalka ee aannu ka wadnay Somaliland,” ayuu si kooban u yidhi afhayeenka u hadlay shirkadda Genel Energy oo horraantii toddobaadkan xammaanteeda ka urursatay degaannada Somaliland ee ay sahanka shidaalka ka wadday.

Balse, xukuumadda Madaxweyen Siilaanyo oo ku can-baxday inay majara-habaabin iyo maaweelo ku asqeeyaan shacabka, ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay ninka ku hadla afka madaxtooyadda ee Axmed Saleebaan, kaasoo lagu sheegay in Genel sii wadayso hawlaheedii.

Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Wasiirada Arrimaha dibeda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo todobaadkii ugu danbeeyey socdaal shaqo ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay madaxda shirkada Genel Energy oo hawlo shidaal baadhisa ka waday Jamhuuriyada Somaliland dhawaana sheegtay inay si ku meel gaadha u hakisay shaqadii shidaal qodista ayaa kulankaasi waxaa ka soo baxay sida ay noo xaqiijiyeen xubnahaa weftiga wasiiradu in shirkadaa Genel Energy aanay ka tegay Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay hawsheedi sii wadidoonto.

Hakis-kaasina uu ahaa mid ay ka dhalatay amba fursad siiyey in ay ka soo baxdo in labada dhinac ay si dhaw oo xoogleh uga wada shaqeeyaan sidii hawshaasi looga gaadhi lahaa ujeedooyinkii laga lahaa, Dawlada Somaliland ay balan qaaday waxkasta oo fudaydinaaya siina adkaynaaya wada shaqaynta labada dhinac ay fulinayso, sidii hore iyo si ka sii wanaagsan.
Dhinac Shirkada Genel Energy ay u xaqiijisay wasiirada in ay shaqadii sii wadi doonto taas oo labada dhinacba ahmiyad weyn u leh.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS