|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo Wasiiradda Iyo Madaxda Qaranka ku Soo Rogaysa In Aanay Dalka Ka Bixin
September 7, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News) Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa in ay soo saarto go’aan ah madaxda Qaranku in aanay dalka ka dhoofi Karin ilaa ay war-geliyaan wasaaradda Arrimaha Dibeda Somalailand si loola socda dhaqdhaqaaqooda isla markaana loogu diyaariyo adeegyada ay u baahan yihiin. Lama oga go’aankani goorta uu soo bixi doono iyo waxa kalifay hase yeeshee ilo wareedyo Dublamaasiyadeed oo aanu helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyaddu dhawaan soo saari doonto Digreeto la xidhiidha Amarkan lagu yaraynayo iska socodka madaxda Qaranka oo saamayn taban ku yeelatay Sumcada Dublamaasiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay dibeda.
Wajaale News Office Hargeysa/Somaliland Related posts:Wasiirka Wasaarada Biyaha Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Gobolka Gabiley Iyo Ujeedada Kulan Uu Layeeshay ... Halkan Ka Daawo Madaxwaynaha Somaliland Oo U Ambabaxay Socdaal Dalalka itoobiya Iyo Ingiriiska Kana ... Daawo: Maayirka Caasimada Hargaysa Oo Iska Fogeeyay Eedo Ay U Soo Jeediyeen Xisbiyada Mucaaridku COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|