Xukuumadda Oo Wasiiradda Iyo Madaxda Qaranka ku Soo Rogaysa In Aanay Dalka Ka Bixin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo Wasiiradda Iyo Madaxda Qaranka ku Soo Rogaysa In Aanay Dalka Ka Bixin
September 7, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News) Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa in ay soo saarto go’aan ah madaxda Qaranku in aanay dalka ka dhoofi Karin ilaa ay war-geliyaan wasaaradda Arrimaha Dibeda Somalailand si loola socda dhaqdhaqaaqooda isla markaana loogu diyaariyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Lama oga go’aankani goorta uu soo bixi doono iyo waxa kalifay hase yeeshee ilo wareedyo Dublamaasiyadeed oo aanu helnay  ayaa sheegaya in Madaxtooyaddu dhawaan soo saari doonto Digreeto la xidhiidha Amarkan lagu yaraynayo iska socodka madaxda Qaranka oo saamayn taban ku yeelatay Sumcada Dublamaasiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay dibeda.
Warar dheeraad ah ayaa sheegaya soo jeedinta talaabadani in ay ka timi codsi ka yimi dhinaca Wasaradda Arrimaha dibeda oo tan iyo intii maamulkeedii hore la bedelay Wasiirka cusubi u kuur galayay qaabka ay wasaaradaasi u shaqayn jirtay, isagoo arrintan la sheegay in uu u arkay mid aan nidaamka Dublamaasiyadeed ee Dawladaha lala macaamilayo ku wanaagsanayn.
Dhawaan waxa dhacday in wasiiro iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsani Dalka Itoobiya ogolaansho la’aan ku tageen, halka qaar kale dalal kale ay ugu maqan yihiin safari aan illaa hada la garanayn, kuwaas oo aan la ogayn ujeedo ay u maqan yihiin.
Dhinaca kale, safarada Dalka gudihiisa ayaa madaxda Xukuumadda talada haysaa inta badan ay ugu socdaalaan si aan waafaqsanayn nidaamka Martida, waxaana lagu arkaa goobaha Hoteelada ama lagu martiglaiyaaba guryaha Eheladooda halka Guryihii Martida ee Dawladdu ay ka haawanayaan madaxduna ka garab marto.
Si kasta ha ahaatee waxa Madaxweyne Siilaanyo lagaa filaa waa Jawaabta uu ka bixiyo codsiga Wasaaradda Arrimaha dibedu ku doonayso in ay ku xakamayso socdaalada Madaxda ee Jaantaa roganta ah.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS