Xukuumada Oo Wali Xal U La’ Xiisadii Dhinaca Dhulka Ahayd Ee Lughaya Iyo Wafdi Kale Oo Ay Ka Fursan Laa’dahay In Loo Diro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Wali Xal U La’ Xiisadii Dhinaca Dhulka Ahayd Ee Lughaya Iyo Wafdi Kale Oo Ay Ka Fursan Laa’dahay In Loo Diro
September 16, 2013 - Written by editor
Xukuumada Oo Wali Xal U La’ Xiisadii Dhinaca Dhulka Ahayd Ee Lughaya Iyo Wafdi Kale Oo Ay Ka Fursan Laa’dahay In Loo Diro

 

Wafdigan ayaa maalin ka dib ka soo laabtay Lughaya isaga oo aanan waxba ka qaban arintii xiisada aloosan ahayd ee loo diray………..

Lughaya(WJN)Waxa wali cakiran oo aanan waxba laga qaban xiisadii dhinaca dhulka ahayd ee ka aloosnayd Magaalda Lughaya ee u dhaxaysay dadka barakacayaasha ah iyo maamulka degmada Lughaya.
Dhawaan ayay ahayd markii halkaasi uu maamulka gobolka Awdal u diray wafdi shan xubnood ka kooban oo uu hogaaminayay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal, isla markaana ay ku wehelinayeen saraakiil dhinaca ciidamada milatariga iyo booliska ah, kuwaas oo loo diray inay xiisadaasi xal ka soo gaadhaan.

Wafdigan ayaa maalin ka dib ka soo laabtay Lughaya isaga oo aanan waxba ka qaban arintii xiisada aloosan ahayd ee loo diray, waxana ay ka gaabsadeen inay saxaafada u waramaan, balse wararka ka imanaya Lughaya ayaa sheegaya inay wafdiga gabi ahaanba ku adkaatay inuu arinta furfuro oo uu xal ka gaadho muranka ka jira Lughaya ee hoosta ka wiiqay hanaankii dawladnimo ee Somaliland, mar hadii maamulkii degaanka iyo dad kale ay ku kala bixi la’yihiin maaraynta dhul banaan.
Wararka kale ee la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in dhawaan uu halkaasi gaadhi doono wafdi uu hogaaminayo Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar isla markaana uu ku wehelin doono Xildhibaan Cabdi Maxamuu Jaamac Gaagaale oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto degaanka Lughaya ee ku jira golaha Wakiilada Somaliland.

Wafdigan ayaa waxa la sheegayaa inay halkaasi u tagi doonaan xalinta khilaafkaasi dhinaca dhulka ah, iyo sidoo kale inay kulano la yeeshaan xildhibaanada golaha degaanka ee Lughaya oo murano is xig-xigay oo saxaafada gaadhay xalna aanan laga gaadhin ay dhex mareen bilihii u dambeeyay.

Ma cada in xalka kama dambaynta ah ee laga dhalin karo arimahan uu sahlanaan doono iyo in kale, balse, wararku waxay intan ku darayaan XIl.

Gaagaale oo lagu yaqaan inuu Lughaya oo laga soo doortay laba arimood oo kala ah Isbedel Maamulka Degmada ah iyo Olole Doorasho u tago ayaa waxa la saadaalin karaa in markana uu halkaasi u tagayo inuu kala diro gabi ahaanba xildhibaanada la doortay ee Lughaya si la mid ah sidii ay xukuumadii UDUB oo uu isagu hormood uga haa Lugaha ka yeeshay xildhibaanadii hore ee degaankaas, ama tan badalkeeda uu ku talojiro in ay xildhibaanadan cusubi qabsadaan kalfadhi degdeg ah oo ay xilka kaga xayuubinayaan Maayarka Lughaya ee hada Md Cabdilaahi Awnuur Dixood.

Dhinaca kale Wasaarada Arimaha gudaha ayaa marar badan kagu dhaliilaa inay ka gaabisay u gurmadka maamulka degmada Lughaya si la mid ah sida degmooyinka kale ee dalka, iyada oo ay marag madoon tahay in Lughaya u baahan tahay ka warhayn iyo in kor loo qaado awoodooda dhinaca maamulka iyo maaraynta ah ee xildhibaanadeeda, waana wax naadir ah in la arko ama la maqlo saraakiil ka socota W/A/Gudaha uu Lughaya u boqoolaysa una socota wax ka qabashada arimaha u baahan gurmadka ee sahayda u noqday degmada, Sababta ay uga gaabsanaysaana waa mid aanan wali la sheegi Karin.

Si kastaba ha ahaatee Lughaya ayaa ah degmada ugu dib-dhacsan ee gobolka Awdal, waxana astaan u ah oo lagu xasuustaa Waxqabad la’aan baahsan iyo isqab-qabsi dhinaca maamulka ah, barakac iyo abaaro soo laalaabta oo aanan inta badan loo gurman, qayladhaan aad u badan oo aanan wax badan laga jawaabin, jid-xumo iyo burbur dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah, kulayl iyo cimilo aan saadaal lahayn sanadka intiisa badan , ciidamo amni oo aan ku filnayn, cisbitaal la’aan u darnaatay dad badan oo u baahnaa baxnaanin dhinaca caafimaadka ah iyo amuuro kale oo aad u badan oo gabi ahaanba ka tarjumaya hormar la’aan.

 

WAJAALE NEWS DESK

 

Wariyaha Lughaya

COMMENTS
LINKS