Xujaajta Reer Somaliland Ee Sanadkan Soo Gudanaya Waajibaadka Xajka Oo Duulimaadyadoodu Ay Si Toosa Uga Bilaabmeen Garoonka Caasimada Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Duulista Oo Ka Hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xujaajta Reer Somaliland Ee Sanadkan Soo Gudanaya Waajibaadka Xajka Oo Duulimaadyadoodu Ay Si Toosa Uga Bilaabmeen Garoonka Caasimada Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Duulista Oo Ka Hadlay
September 21, 2013 - Written by Wariye:

xujaajta reer somalilandHargeysa(Wajaale News):- Daabulka Xujaajta Reer Somaliland ee sanadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka ayaa ka bilaabmay garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport, kuwaas oo shalay iyo Doraad ay Diyaaradaha Daallo Airlines iyo Jubba Airways ay ka qaadeen Xujaajtan  Madaarka Hargeysa, isla markaana todobaadkan oo dhan uu socon doono dhoofka Xujaydu.

Sida uu sheegay Axmed dalal Faarax Agaasimaha Wasaarada Duulista Hawada, Ahna ku simaha Wasiirka Duulista

Waxa si rasmi ah u furmay daabulka Xujaajta Sanadkan 2013 soo gudanaya waajibaadka xajka oo ay ka duulayaan Madaarka Hargeysa, iyadoo ay qaadayaan labada shirkadood ee juhdiga galiya daabulaada Xujayda Daallo iyo Jubba, kuwaas oo safaradoodii duulimaadyadu ay u kala bilaabmeen shalay toole oo Daallo ay qaaday 137 Xujay ah, maantana Jubba ayaa qaadaysa oo ah Safarkeedii ugu horeeyey oo toos ay ugu geynayso Jiddah, maamulkoodu wuxuu ii sheegay sifooyinka ay u qorsheeyeen daabulida xujayda Jadwalkooda inay u qorsheeyeen saacadaha ugu qabow ee Casarka si ay ugu beegaan Madaarka Jidah wakhti fiican. Jubba Waxay doorkan qaadaysaa 58 xujay ah iyagoo ku soo daraya xujaydii laga qaadayey wadamada aynu jaarka nahay ee sida Somalia iyo Djibouti oo ay ku dari doonaan tiro ahaana ay sidaan ugu gudbi doonaan?.

Agaasimaha Duulistu waxa kale oo uu sheegay in duulimaadka xujaydu uu jirayo maalin kasta todobaadkan, isla markaana uu joogsan doonaa maalinta ka horasya xajka, waxaanu xusay in shalay oo ahayd Jimce oo Shaqaalaha dawladu ay fasax yihiin ay iyagu wasaarad ahaan ay shaqaynayaan todobadaa cisho ee duulimaadyadu jiraan oo ay heegan u yihiin.

Sidoo kale Axmed Aadan Dagaal (Safiina) oo ah wakiilka Somaliland ee arrimaha xajka, ayaa Xujayda dhoofaysa illaahay uga baryey inuu nabad ku xajiyo nabadna ku soo celiyo, waxaanu yidhi ?Maanta Falilaahi Xamdi duulimaadkii ugu horeeyey ee Diyaarada Juba Airways oo qaadaysa xujaydii Somaliland, shalay waxa amba baxay duulimaadkii ugu horeeyey ee daalo Airline, maantana waa duulimaadkii ugu horeyey ee juba.

Waxa noo bilaabmay todobaadkan bixitaankii xujayda reer Somaliland maanta waxay ku began tahay 20kii dul qacda xujaajtu waxa ay fursad haystaan ah inay madiinana tagaan makana tagaan, markaa sidaa darted waxa aanu leenahay ilaahay xujayda ha noo nabadgaliyo, dalkana ha ku soo nabad celiyo, anaga oo nabad ah iyo idinkoo nabad ah in ilaahay isku soo keen celiyo.

Waxaan mar labaad u mahad naqayaa wasiirka duulista hawada, wasaarada duulista hawada, shaqaalaha airportka iyo diyaarada Jubba Ariways iyo diyaarada Daalo airlines?.

Sidoo kale waxa iyaguna ka mid ahaa dadkii waajibaadka xajka soo gudanayey sanadkan Sooraan iyo Dacar, kuwaas oo ilaahay ka baryey inuu nabad ku geeyo gudashada waajibaadka xajka, isl amarkaana uu nabad ku soo celiyo dalkooda. Waxa kale oo ay u mahad celiyaan shirkadaha diyaaradaha ee iyagu adeegaan ay ku soo gudanayaan waajibaadka xajka u fududeeyey.

Khadar Bayle oo ka tirsan masuuliyiinta shirkada Jubba Ariways ayaa sheegay in sanadkan ay hawlahooda xujaajka Somaliland ay Hargeysa toos uga maamulayaan kadib markii xukuumadu dib u dhis iyo casriyeyn ay ku samaysay madaarka Hargeysa, waxaanu uga mahad naqay dawlada Kuwait oo iyadu ka taageertay Somaliland hawsha dib u dhiska madaarada Hargeysa.

Sidoo kale Siciid Cadaani Mooge oo ahaa Afhayeenkii Madaxtooyada ee Xukuumadii Riyaale oo mid ahaa Xujayda sanadkan soo gudanaya Waajibaadka Xajka ee shalay diyaarada Juba ay ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegay inay farxad iyo wax illaahay loogu mahad naqo ay tahay inay ka xajinayaan oo ay ka dhoofayaan Madaarka Hargeysa.

Mr Cadaani ayaa intaasi ku daray inay aad ugu riyaaqeen kuna boqaadinayo xukuumada Maanta talada dalka haysa in Madaarkii Hargeysa oo la casriyeeyey laga dhoofayo, waxaanu ilaahay uga rajeeyey in inta hadhayna la dhamaystiro mustaqbalka soo socda.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS