Xuduuda Wax-Ka-Badalka Iyo Kaabida Distoorka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuduuda Wax-Ka-Badalka Iyo Kaabida Distoorka
September 9, 2013 - Written by Wariye:

Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

                                         Bartay Aqoonta Sharciga

   © XOGTA WARQADANI WAXA AY U DHAWRSAN TAHAY QORAGA GARYAQAAN CABDALE DAHIR ADAN, KALIYA WAXA UU OGOL YAHAY  XIGASHO.

Bulsho kasta oo Eebe, abuuray waxa uu dhaxal u siiyay qaab iyo hanaan ay isku af-garato, oo u ah dabarka isku haya bulshadaas, waxyaabahaasna waxa kaw ka ah in uu Eebe bushadaas waafajiyo in ay samaysato wax u ah xayn-daab oo aanay jirin cid ka boodi karta, ama ka dusi karta, si taas loo cadeeyo oo aanay muran u galin, waxa ay bulshada reer Somaliland ku heshiiyeen in ay samaysataan distoor, kaas oo mus-danbeed u noqonaaya hab-dhaqankooda, waxa ka dhexeeyana ay ku wadaagayaan.

 

cabdale daahir aadan

Ma rabo in aan distoorkeena aan ka sheekeeyo ee qodobada uu ka kooban yahay, ayan rabaa bal in aan si guud idiin ku sheego, aniga oo u arkay in aanay qormadani, bilaa milix noqonayso, haddii aan xusin qodobada guud ee uu ka kooban yahay distoorkeenu, si qofku u garto bal halka ay kaga jiraan tiirarkan iyo halka uu ugu tagaayo haddii uu u baahdo, aniga oo sheegi doona qodobka ay yihiin iyo tirsigooda si ay ugu fududaato qofkii raba in uu sii balaadhsado.

Kasmo baadhistan oo aan ugu talo galay in ay tuhunka iyo mutuhiska meesha ka saarto, oo qeexdo soohdimaha aan sinaba loo galayn ee aan Madaxweynaha iyo labada Gole midna u banaanayn in ay galaan. Cida kaliya ee awooda buuxda u lehna ay tahay ummada reer Somaliland oo cod ku badasha ama ku diida.

Waxa ay ila tahay in aan qodobo kale oo mudan aan ku darno in aan waxba laga badalin oo aan la taaban sida kuwan aan hoos ku sheegay oo kale, oo ay ugu mudan yihiin.

1-     Mudo xileedka madaxweynaha oo 5 sano ah

2-     In aan laba goor ka badan la isu soo taagin jagada madaxweyne

3-     In xisbiyada qaabkan, rag gaari leeyihin laga badalo.

4-     Dib-u-habaynta iyo ka dhabaynta madax-banaanida garsoorka

Taas oo tuhun igaga jiro in uu odaygu maagan yahay in uu badalo, si uu mar kale isugu soo taago jagada madaxweynenimo,  ileen hadda distoorku umma dhigaayo in uu mar 3aad isu soo taago, oo waa ka dhamaatee, taasna waxa ay ku cadahay xeer 14-aad oo sheegaya in aan musharaxa xisbigu laba goor wax ka badan aanu isu soo taagi karin jagada madaxweynenimo.

Fiiro Gaara:                                                           

Ha la furo distoorka waqtigeedana ha lala sugo, wadankuna waxa uu ku jiraa waqti adag oo ay socdaan wada hadalada Somaliland Iyo Somaliya, waana reeban tahay in la furo distoorka tan iyo inta wadanku si dhaba u helaayo aqoonsi siyaasadeed oo ay sugmayso jiritaanka iyo madaxbanaanida buuxda ee wadankeena.

 Qodobada guud ee distoorku ka kooban yahay

Qaybta 1aad

Xubinta 1aad

Tilmaamaha guud

Xubintan waxa ay sheegaysaa tilmaamaha guud ee qarankeena iyo astaamaha lagu garanaayo Somaliland iyo sumada aan kaga soocanahay qaramada kale, waxana uu ka kooban yahay 7 qodob

Xubinta 2aad

Mabaadi’da guud

Xubintan waxa ay ka sheegaysaa dhaqaalaha wadanka halka maamulaysa, sida loo maamulaayo, halka lagu bixinaayo, canshuuraha sida loo guraayo iyo hanaanka loo guraayo loona maamulaayo iyo cida guraysa iyo sida uu noqonaayo hab-maamulka siyaasadeed ee qaranku, qaabka uu ula xidhiidhaayo dibada iyo wax yaabaha asaasiga ah ee nolosha, sida waxbarashada, caafi

maadka, kobcinta garashada oo ay ka mid yihiin kobcinta suugaanta, hidaha iyo dhaqanka bulshada reer Somaliland iyo daryeelka deegaanka iyo wax-ka-qabashada aafooyinka  iyo daryeelka qaybaha bulshada Somaliland ee baylahsan, kan ugu danbeeya oo ah daryeelka shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha iyo kobcinta wax-soo-saarka qaranka, waxanu ka kooban yahay 13 qodob.

La Soco…………………………………………….

 

 

Wajaale News

Office Hargeysa /Somaliland

COMMENTS
LINKS