Xoghayaha Maaliyada Xisbiga Ucid Marwo Faadumo Siciid Oo Si Weyn U Dhaliishay Ficilada Ay Xukuumadu Kula Kacday Hogaamiyayaasha Mucaaridka Ee Ay Ka Hor Istaagtay Munaasibadaha Qalin Jabinta Jamaacadaha Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Maaliyada Xisbiga Ucid Marwo Faadumo Siciid Oo Si Weyn U Dhaliishay Ficilada Ay Xukuumadu Kula Kacday Hogaamiyayaasha Mucaaridka Ee Ay Ka Hor Istaagtay Munaasibadaha Qalin Jabinta Jamaacadaha Dalka.
September 29, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-xoghayaha maaliyada xisbiga mucaaridka ah ee Ucid marwo Faadumo Siciid ayaa si weyn u dhaliishay go,aanka ay xukuumada kaga hor istaagay masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah inay hadalka ka jeediyeen munaasibadii loo qabtay dufcadii 10-aad ee ka qalin jabisa jaamacada Magaalada Hargeysa.

 

Hargeysa(WJN):-xoghayaha maaliyada xisbiga mucaaridka ah ee Ucid marwo Faadumo Siciid ayaa si weyn u dhaliishay go,aanka ay xukuumada kaga hor istaagay masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah inay hadalka ka jeediyeen munaasibadii loo qabtay dufcadii 10-aad ee ka qalin jabisa jaamacada Magaalada Hargeysa.

Marwo Faadumo Siciid oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa ayaa waxay tilmaamtay Inay xukuumadani caadaysatay ku dhaqanka qodobo badan oo ay ku dhaliili jireen xukuumadii ka horaysay ee Daahir Rayaalke Kaahin.

Ugu horayn marwo Faadumo Siciid oo ka hadlaysa ardayda sanadkan ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka ayaa waxay tidhi ?marka hore waxaan hanbalyeynayaa ardaydii ka qalin jabisay jaamacadaha Somaliland, waxaanan u rajaynayaa inay ku noolaadaan farxad iyaga oo shaqo iyo dariiq fiicana aan ilaahay uga rajaynayo.?

Xoghayaha maaliyada xisbiga Ucid marwo Faadumo Siciid waxa kale oo ay ka hadashay munaasibada loo qabanayo ardayda ka qalin jabinaysa jaamacadaha dalka ee masuuliyiinta mucaaridka ahna laga hor istaagayo inay ka hadlaan waxaanay tidhi ?sida aynu ognahay marka ay dhalinyaradu ka qalin jabiso jaamacadaha dalka waxa caado inoo ahayd wakhtigii Daahir Rayaale iyo Ina Cigaal in xisbiyada mucaaridka ah la soo casuumo oo ay ka hadlaan munaasibada iyada oo lagu qadarinayo caruurta qalin jabinaysa oo ay farxada la qayb sadaan, nasiib darada wakhtigan  dhacday waliba sanadkan gudihiisa waxa weeyaan inay dawlada Madaxweyne Siilaanyo ay mucaaridka ka mamnuucday ama ka hadlaan madasha uu madaxweynuhu taagan yahay,?

Xoghayaha maaliyada Xisbiga Ucid oo ka hadlaysa dhacdadii ugu danbaysay ee mucaaridka  lagaga hor istaago inay ka hadlaan munaasibadaha qalin jabinta ee jamacadaha dalka oo maanta ka dhacday jamacada magaalada Hargeysa ayaa waxay tidhi ?dhacdadii ugu danbaysay maanta ayey dhacday iyada oo qalin jabintii jaamacada magaalada Hargeysa ay maanta tageen gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Qaasim Sheekh Ibraahin iyada oo la fadhiisiiyey meel aan munaasib ahayn markii danbana laga hor istaagay  inay ka hadlaan munaasibada oo ay hanbalyeeyaan dhalinyaradii jaamacada ka qalin jabinaysay, iyada oo ay markhaati ka ahaayeen ardaydii ka qalin jabinaysay jaamacadu ay bururka dushooda loogu gaystay dimuqraadiyadii dalka, sababta meesha layskugu yimaadanaa maaha siyaasad ee waa inay ardayda soo baxaysa ku booriyaan oo ay u duceeyaan oo waaniyaan oo ay u muujiyaan inay mustaqbalkoodu meel fiican maro taasina maaha wax qof laga xaasido.? Ayey tidhi marwo Faadumo Siciid.

Sidoo kale waxay sheegtay inay xukuumadu ka baqanayso inay masuuliyinta mucaaridka ahi ka hadlaan dhaliilaha ay leedahay xukuumadu waxaanay tilmaantay inay xukuumada uga fadhiyaan inay raali gelin ka bixiso arimahan waxaanay tidhi ?waxa is weydiin leh dawladu ma waxay ka baqanaysaa in masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ahi ka hadlaan lacagtii lagu kordhiyey dhalinyarada wax ka dhigata jaamacada ee aanay qaadi karayn ee ay iyaguba ka xumaadeen, ma waxay ka baqdeen in dhaliilaha taagan ay ka hadlaan, markii uu Daahir Rayaale Kaahin madaxweynaha ahaa Siilaanyo wuu ka hadli jiray munaasibadaha noocan ah oo waxa uu doonayo ayuu ka odhan jiray  sida uu doonayana wuu u hadli jiray cidina kamay mamnuuci jiray albaabna lagama xidhan jirin, fadhi oo sidii ilma yar oo dugsi ku jira lama odhan edebso oo isha naga daawo oo juuq ha odhan, taasina waa nasiib daro, waxaanan jecelnahay inay dawladu naga xaal mariso arinkaas.?

WAJAALE NEWS DESK

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS