Xoggo rasmiya oo ku saabsan sababtay Genel Energy Somaliland uga baxday+ Go’aamada xukumada Somaliland ka qaadatey+Goortay xukumadu ka war heshay in Genel baxayso!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoggo rasmiya oo ku saabsan sababtay Genel Energy Somaliland uga baxday+ Go’aamada xukumada Somaliland ka qaadatey+Goortay xukumadu ka war heshay in Genel baxayso!.
September 9, 2013 - Written by editor

Xoggo rasmiya oo ku saabsan sababtay Genel Energy Somaliland uga baxday+ Go’aamada xukumada Somaliland ka qaadatey+Goortay xukumadu ka war heshay in Genel baxayso!.

calgen

Hargeisa-(Wajaalenews)-Sida intiinii la socotey ka warqabto 4-tii bisha Septembar ama Arbacadii la soo dhaafey ayey shirkada Genel Energy bilowday guuritaan ( Evacutaion),Hase yeeshee xukumada siilanyo waxba kamay ogeyn Kaambanigaa dhan ee shidaal baadhista ka waday Somaliland ee qalabkiisa meel walba oo ka mid ah Bariga Togdheer iyo Caynaba daadsanaa, ee ciidamadda RRU-da iyo kuwo beeleed loo bixiyey ciidamada ilaalada shirkadaha shidaalka iyo macdanta baadha si gaar u ilaalinayeen,weliba ku darsoo qandaarasyo hooseedyana siisey Ash-khaas ku xidhan ama ku dhawdhaw Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Siday Wajaalenews u xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmi ah oo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada markii shaqaalihii Ajaanibka ahaa Shirkada Genel Energy diyaarado Burco lagaga soo guray ,oo qaarkood markiiba  dalka ka baxeen, oo Maxdaadkii waaweynaa  ee shirkada loo soo dhaqaajiyey xagaa iyo Marsada Berbera si looga dhoofiyo ayey xukumada Siilanyo hambabartay oo wax ogaatey.

Arintu si kasta ha u dhacdee markay Genel Energy dadkeedii mihiimka ahaa la baxday ayey xukumada Siilanyoo debeda war ka heshay,in Kaanbanigu  hawshii sahanka shidaalka uu ka waday Somaliland halkaa ku joojiyey,dalkana ka baxaayo oo qalabkiisa iyo xamaantiisii urursanaayo oo aanay dib u soo noqonayn,sidaasna ugu xayirnaan doonaan goobahay (Blocks) sahanka cirka (Electro-magnetic Survey) iyo dhulkaba (Cutting lines) ku sameeyeen.

Yeelkeede sida ilo wareedyadaa Qasriga Madaxtooyadu u dhuun daloolaa tibaaxeen kolkaasey xukumada Siilanyo bilowday inay qoraalo u dirto maamulka sare ee Genel Energy UK, waxna ka weydiiso sababahay u baxeen ama u laalaabteen,Balse waxay iluhu intaas ku dareen in Shirkada Genel Energy ku dooday inay guuritaankeeda sal u yihiin laba Qodob oo kala ah:-

Qodobka koowaad waxay shirkadu ku sababaysay guuristeeda(Evacuation) in guud ahaan xaalada amni ama nabadgelyo ee Somaliland soo xumaanayso oo markii ay qandaaraska la galeen Somaliland Marxalada derejada amni ee Somaliland ku jirtay ahaa N0.3 (Derejada sadexaad) haatana ay ku jirto N0.5 (derejada shanaad)  oo wax weyni is bedeleen halkaas oo ay xuseen inay ku adag tahay inay ka sii shaqeeyaan.

Qodobka labaad ee Shirkada Genel ku andacootay,oo aanay kala maagin xukumada Siilanyo ayaa odhanaaya ama tilmaamaya inay Hayadaha amniga u qaabilsan Somaliland ka heleen  digniin mihiima oo sheegaysa in laga yaabo in kooxaha Al-shabaab ugaadhsan oo laayaan taas oo ay sheegtay inay shirkadu qiimayn,taxadir iyo mudnaan weyn siisay.

Labadaas qodob oo laysku daray ayey shirkada Genel Energy sabab uga dhigtay bixitaankeeda (Evacuation) sida ilahaasi u sheegeen Wajaalenews

Waa tahay,haddaba markii xukumadu Siilanyo ogaatey warkaa Genel Energy iyo qodobada ay ku sababaysay bixitaankeeda waxay ilahaasi Wajaalenews u sheegeen inay go’aansatey :-

-Inay xanibto Maxdaadkii iyo qalabkii shirkada Genel Energy ee Somaliland gudaheeda yaalay oo aanay dalka ka bixi Karin.

-Qoraalo ay xukumadu u qortay madaxda sare ee Genel Enegy oo xaruntooda koowaad tahay UK

-Looyar ama khabiir u dhashay UK oo ku takhasusay Shuruucda shirkadaha shidaalka oo xukumada Somaliland qabsatey,si uu doodaha iyo cabashooyinka ay qabto hore ugu dhaqaajiyo,kaas oo ku sugan London.

-Wasiirada macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo wasiirka arimaha debeda Maxamed biixi yoonis oo ku sugan Imaraadka Carabta (UAE), maalmaha fooda inagu soo hayana la filaayo inay u safraan dalka UK si ay ugu biiraan Looyarka xukumadu qabsatey.

Isku soo wada duuboo sida ilo wareedyadaas Qasriga Madaxtooyada u dhuun daloolaa Qarannews u sheegeen go’aanka bixitaanka shirkada Genel energy iyo shirkadaha kale ee ay qandaraas hoosaadyada ku siisay sahanka shidaalka  iyo amniga ayaa dalka kaga baxay amar ka yimi maamulka sare ee shirkada Genel Enegy oo xaruntooda koowaad tahay Uk ,Hase yeeshee sida doodaha iyo xogaha ay isweydaarsadeen ama wadaageen shirkada Genel Energy iyo xukumada Siilanyo tibaaxayo waxay shirkadu ku go’aan qaadatey warar (Xoggo) ka yimi Hayadaha Amniga Somaliland

COMMENTS
LINKS