Xisbiyadda Qaranka, Xukuumadda iyo Gudida Doorashooyinka Oo Wada Jir Qalinka Ugu Duugay Heshiis Laga Gaadhay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyadda Qaranka, Xukuumadda iyo Gudida Doorashooyinka Oo Wada Jir Qalinka Ugu Duugay Heshiis Laga Gaadhay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
September 18, 2013 - Written by editor

Heshiiskan oo ay dhinacyadu ku kala saxeexdeen Hoteel Ambasador ayaa waxa goobjoog ka ahaa sedexda xisbi qaran.

Hargeysa (WJN)-Saddexda Xisbi Qaran, Gudida Doorashooyinka iyo xukuumadda Somaliland ayaa maanta kala saxeexday in labadda diiwaangelinood la kala saaro, Mudnaanta Koowaadna la siiyo diiwaangelinta Codbixinta Doorashooyinka Madaxtooyadda oo lagu wado in ay dhacdo sanadka 2015-ka.

Heshiiskan ay kala saxeexdeen ayaa
lagaga ordayay in aanay doorashooyinka Madaxtooyadda Somaliland dib uga dhicin wakhtigeeda.

Kulankan oo aad u balaadhnaa waxa soo qaban-qaabisay Akadamiga Nabada iyo horumarinta Somaliland, ayaa waxa qalinka ku duugay heshiisyadadaasi Guddoomiyeyaasha Xisbiyadda Wadani, Kulmiye, UCID, Guddoomiyaha Gudida Doorashooyinka iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Heshiiskan oo ay dhinacyadu ku kala saxeexdeen Hoteel Ambasador ayaa waxa goobjoog ka ahaa dhamaan daneeyeyaasha doorashooyinka, bulshada rayidka ah oo si gaar ah insha ugu hayey diiwangalinta si doorashooyinku ugu qabsoomaan wakhtigoodii.

Sidoo kalewaxa la xusay muhiimadda diiwangalinta madaniga ah iyo in ay u baahantahay in la siiyo wakhti dheer oo ku filan si loo hirgaliyo diiwangalin wada gaadha shacabka Somaliland oo dhan.

Heshiiskan ayaa waxa qalinka ku duugay gudoomiyeyaasha saddexa xisbi qaran, gudoomiyaha koomishanka doorashooyinka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha.

Heshiiskan ayaa wuxuu horseedayaa in la sameeyo diiwaangalinta codbixiyeyaasha si doorashada madaxtooyadu ugu qabsoonto wakhtigii loogu talogalay.

Waxaana qodobadda lagu Heshiiyay ay ahaayeen sidan

Diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo ta madaniga ahiba aad ayey muhiim ugu yihiin qaranka Somaliland.

2.       Doorashadu waxay ku hirgalaysaa:

?         Diiwaangalinta codbixiyeyaasha waxay si buuxda uga madaxbanaantahay diiwaangalinta madaniga ah.

?         Waxa laga baxayaa khalkhalkii cida qabashada doorashada leh

?         Wakhtiga la haysto ayaa lagu qabankaraa diiwaangalinta codbixiyeyaasha.

?         Waxaynu u madaxbanaanaanaynaa inaynu isticmaalo qalab casri ah oo suurgalinaya diwaangalinta codbixiyeyaasha.

?         In siyaasadda laga saaro diiwanglinta madaniga ah

3.       Diiwaangalinta codbixiyeyaashu waa inaanay u wiiqmin lacag la?aan awgeed

4.       Waxa la dajinyaa jadwalka nidaamka diiwaangalinta iyo doorashada (Roadmap)

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS