Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ku Canaantay Xeerar Lidi Ku Ah Danyarta Reer Somaliland Oo Baarlamaanka Somaliland U Soo Gudbinayso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Ku Canaantay Xeerar Lidi Ku Ah Danyarta Reer Somaliland Oo Baarlamaanka Somaliland U Soo Gudbinayso
September 2, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News) – Eng: Cabdirashiid Maxamud Cali oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) bilawday in ay culays laxaad leh ku soo rogto shacabka aan waxba haysan ee Reer Somaliland.
Waxa uu carrabka ku dhuftay in ay xukuumaddu Golaha Baarlamaanka u soo gudbisay xeerar lidi ku ah dan yarta reer Somaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadu ay soo xidhayso Dekeda Berbera isla markaana ay kiraynayso wadooyinkii ay qaranka masuuliyada uga ahayd in dib u dhis iyo waliba casriyayn ku samayso.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu goor dhaweyd khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay, hadhwanaagnews waxaanu yidhi Waxa aan idiin soo garaacay waxa ay weeye in aan wax ka iftiimiyo xeer cusub oo ay xukuumadda Kulmiye soo hor dhigayso Golaha Wakiiladda.

Xeerkaasi waxa weeye mid xidhaya Runtii dekeda Berbera iyo kiraynta Wadooyinka ay dadka reer Somaliland dhisteen, Xoolaha nool oo laga qaadi doono hal dollar, laba dollar iyo Shan dollar neefkiiba.

Taasina waa joojin dhoofka xoolaha nool ee Somaliland, waxa hore dekeda Berbera uga guuray soo dejinta hadii xoolaha la joojiyo waa la xidhayaa Dekeda Berbera.

Heshiiska lagaga Kiraynayo wadooyinka 300 oo kun Maalintii ama bishii, su?aashuna waxa ay tahay wadada la kiraynayaa waa wadadee waa wadadii lagu ansixiyay xeer Numbar 11 310 oo soo baxay bishii 10-2013 ee lagu hoos geeyay Hay?addii wadooyinka Madaxtooyadda Somaliland.

Umaddu waxa ay isweydiinaysay waxa madaxtooyada loo hoos geeyay Wadooyinka, laakiin maanta ayay cadaatay ujeedadii lagaga lahaa oo u muuqata in la kireeyo wadooyinka.

Waxa ay bulshadu og tahay in wadadii ugu muhiimsanayd dalka loo bixiyey wadada wadka, waxa ay xukuumaddu Kari wayday in ay dhisto, balse hadii ay dhisi kari wayday ma waxa ay garan wayday in ay biraha cashuurta oo kale u samayso labada dhinac ee dooxyada oo ay askarta tuuladda joogta tidhaahdo ku xidha si uu dadku u nabad galo.

Waxa aynu ognahay in uu gaadiidku Puntland ka soo dego oo ay dhuumasho ku soo galaan dalka, Masuuliyiin la yidhi way fududeeyeena loo xidhxidhay, waxa ay xukuumadda kulmiye garan wayday waxa sababay in dhuumasho gaadiidka lagu soo geliyo dalka.

Anaga ayaa u sheegayna waxa weeye Gaadhigii lagu cashuuri jiray xilligii UDUB 1500$, waxa maanta lagu cashuuraa 4000$, waana 200%.

Hadaba Haddii ay kordhiyaan cashuurta Xoolaha, waxa ay dhiirigelinayaan iyana in xoolaha si tuugo ah looga dhoofiyo dekedo kale.

Waxay waxaas oo dhami inoo cadaynayaan in aanay xukuumaddu lahayn qorshe maamul iyo mid dhaqaaletoona, laakiin mar kasta oo uu jeebku xumaado ama baadhashada shacabka.

Sheekaddaasi waxa ay la mid tahay islaantii degalkay ku noolayd, daruuruhu ku hooreen ee tidhi dadba wada helyoo daad wararac, hadii ay Wasiiradu ay lacag wada haystaan oo aanay istabayn lacagtoodu, waxa aanu leenahay Bulshaduna ma qaadi karto.

Gabogabadiina waxa aan xukuumadda leeyahay Umaddu ma qaadi karto baadhashadan iyo Sicir Bararkan isdaba jooga ah iyo lacagtan ololaha ah ee umada laguu dhibayo.

Baarlamaankana waxa aanu leenahay duuduub ha ku ansixinina wax aanay qaadi karayn oo ka turjumaya Guumaysi Foqor Ku salaysan.

Shacabkana waxa aan leeyahay hal waliba, shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa, kulmiye idinka ayaa doortay maanta awoodu gacantiina ayay ku jirtaa.

Hadii aanu nahay xisbiga Wadani waxa aanu ka soo horjeednaa dhaqan galka xeerkan, waana ku xad gudub umadan jilicsan iyo ku tagri fal nolosha bulshadan baahan.

 

Wajaale News
Office:Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS