Xisbiga Wadani Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Bixitaankii Shirkadii Sahaminta Shidaalka Ka Waday Goboladda Bari + Warbixin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Bixitaankii Shirkadii Sahaminta Shidaalka Ka Waday Goboladda Bari + Warbixin
September 10, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa maanta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay bixitaanka shirkadii shiidaalka ka sahaminaysay dalka.

Waxa ay xuseen in ay la yaab iyo amakaag ku noqotay guud ahaanba shacabka reer Somaliland talaabadda ay ku dhaqaaqday shirkadaasi.

Sidaasna waxa ay ku sheegeen shir jaraa?id oo ay Hargeysa ku qabteen Gudoomiyaha gudida arrimaha dibada Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Xoghayaha Guud ee Wadani Maxamed Cabdilaahi (Uur-cade) iyo

Cabdirashiid Maxamuud Cali.

qabteen Gudoomiyaha gudida arrimaha dibada Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo yidhi ?Argagaxbey runtii umadda ku noqotey iyada oo aan wax wara lahaynin lana ogayn wax dhibaata ah oo jirey in mar qudha layidhaahdo shirkadii genel energy ee gobalada bari shidaalka ka baadhaysay, dadka gobaladaas joogayna ay wacyi galin balaadhan udiyaariyeen in hadana mar qudha uun la maqlo shirkadaasi way ka baxday oo alaabteedii waa ay guratey ,xukuumaduna ilaa hada arrintaa wax ay kaga jawaabtey lama hayo,waana inay shacbiga usoo bandhigtaa sababta keentey bixitaanka shirkaddan shidaalka baadhaysay?

waxa sidoo kale uu ka tacsiyadeeyey dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaadku ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka hawlgalayeyba isagoo xukuumadda usoo jeediyey inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah waxanu yidhi ?waxaanu ka xunahay kana tacsiyadeynaynaa dadkii muwaadiniinta ahaa ee kharashaad iyo saamigu ka galeen iyo shaqaalihii muwaadiniinta ahaa ee ka shaqaynayey, xukuumaddana waxaanu usoo jeedinaynaa inay xaqooda u raadiso dadkaas muwaadiniinta ah?.

Waxaa sida oo kale ay masuuliyiintani ku ee deeyeen wasaaradda duulista iyo hawadu in ay ku fashilantey adeegii ay dadka socdaalka ah u haysay oo garoonkii cusbaana wax duulimaadyo ahi ka soconin

Eng:Cabdirashiid maxamuud cali oo ka tirsan gudida arrimaha dibada ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI  oo  arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi ?In diyaaradihii caalamiga ahaa iman waayaan garoonkii diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxay cadaynaysaa in dhismihii garoonka laga waday muddada labada sanno ahi fashilmay, hantidii loogu talogalayna la lunsaday, waxaanu leenahay wasaarada duulista iyo hawadu waa ay ku guuldaraysatay adeegii ay bulshada u haysay oo waa taa maanta dhibaatadu  haysato dadkii socdaalka ahaa ee saddexda cisho ku xanibanyihiin Hargeysa, isla markaana wasaaradda duulistu u diiday diyaaradihi inay fadhiistaan garoomada kale ee dalka si ay u dambabasaan fashilaada ku timid dhismihii garoonka diyaaradaha ee Hargeysa?,

Sidoo kale wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay is casisho mar haday ku fashilantay hawlihii loo igmaday waxaanu yidhi ?mar haday xukuumaddu ku fashilanay hawlihii umaddu u dooratay waa inay is casishaa?.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS