|
|||||
WAJAALE NEWS
Xilka Aan Anigu Hayaa Waxa Weeye Ka Madaxweynuhu Ii Magacaabay Ee Dastuuriga Ah Waiirka Madaxtooyada Somaliland
September 4, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News)-Wasiirka Wasarada Madaxtooyada somaliland Md:Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta waxa uu warbixin guud ka siiyay Xaalada Siyaasadeed, nabad-gelyo iyo guud ahaan hawlaha dawlada u qorsheysan. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xirsi Cali Xaaji ayaa waxa uu golaha wakiilada hortoda ka shegay tobanaan Mashruuc oo horumarineed oo waddanka ka socda iyo kuwo u qorsheysan in mustaqbalka la fuliyo. Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa waxa ay halkaasi ku waydiiyeen wasiirka su,aalo tiro badan waxana ka mid ahaa qaar la xidhidhay xilkiisa , waxana uu ydhi isaga oo ka hadlaya kuwa la xidhidhay xilkiisa. “xilka anigu aan hayaa waxa weeye ka Madaxweynuhu ii magacaabay ee Dastuuriga ah ee halkan Golaha laygaga ansixiyay ee ah wasiirka Madaxtooyada, dalkuna wuxuu leeyahay hogaamiye iyo Maamul, madaxweynaha ayaa ah hogaamiyaha qaranka, ayaa uu ydhi waxana uu intaasi sii raciyay . ” aniguna waxaan ahay maamulkii uu wakiishay, isagaan maalin ka maalin u shaqeeyaa , laakiinse mudane waxaan kuu sheegayaa hadii shaqada wasiirka madaxtooyadu aanu hore u muuqan jirin, waxa la yidhi Booska qofku joogaa ma sameeyo qofka, laakiinse qofkaa sameysta shaqada” ayaa uu hadal kiisa ku soo kobay isaga oo u jawabayay su,aal uu waydiyay Xildhibaan Mahdi Ibraahim Mahdi buubaa. sidoo kale waxa Wasiirka waydiiyay su’aal la xidhiidha tirada Hay’adaha Madaxbanaan ee Wasaaradiisa hoos yimaada waxana uu shegay in ay tahay oo kali ah Hay’ada Waddooyinka oo qudha hayda hoos yimada wasaradisa.
Wajaale News Office Hargeysa /Somaliland Related posts:DAAWO; Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo Dhaliilihii Ugu Cuslaa Usoo Jeediyay Xukuumada Siila... Curashada Bisha Ramadaanta: Dalalka Saacadaha Ugu Badan Laga Soomo Iyo Kuwo Saacadaha Ugu Yar laga S... DAAWO; fanaanada Yurub Geenyo Oo Soo Saartay Heesta Cusub Ee " Aynu Hoy Wadaagnee Habku Soodhe Ca... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|