Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Sheegay In Haddii Uu Madaxweynuhu Golaha Hor Iman Waayo Si Wax Looga Waydiiyo Xil Gudashadiisa Ay Keeni Doonaan Mooshin Maamuus Ka Xayuubin Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Sheegay In Haddii Uu Madaxweynuhu Golaha Hor Iman Waayo Si Wax Looga Waydiiyo Xil Gudashadiisa Ay Keeni Doonaan Mooshin Maamuus Ka Xayuubin Ah.
September 21, 2013 - Written by Wariye:

Maxamed Faarax QabileHargeysa(Wajaale News):-xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada somalkland ayaa si adag uga hadlay awooda uu golaha wakiiladu u leeyahay In madaxweyne Siilaanyo ay kala xisaabtamaan xil gudashadiisa.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo masuuliyiinta xisbiga Ucid ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inaan la hor istaagi karin mooshinka ay qaar ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladu ku doonayaan in madaxweynaha la hor keeno golaha, ugu horayna isaga oo ka

hadlaya awoodaha golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi ?Marka hore waxaan muujinayaa awooda golaha wakiilada oo aad moodo inay ayaamahan dadkii qaarkii muran galinayaan xakamaynta xukuumada iyo doorka ay golaha wakiiladu ku leeyihiin, qodobka 39-aad ee dastuurka qaranka Somaliland waxa uu cadanaynaa awooda golaha wakiilada, golaha wakiiladuna mar waxa weeye golihii sharci dajinta koowaad ee dalka, marna waa dadkii wakiilka ka ahaa bulshada ku dhaqan Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sidaas darteed mooshin ay dhawaan soo jeediyeen mudanayaal ka tirsan golaha wakiiladu oo ay cuskanayaan qodobada 39-aad 53 faqradihiisa 1,2,6,7,4  waxa aanu rajaynayaa in goluhu uu si cad ugu guulaysto in madaxweynaha la hor keeno golaha si wax looga waydiiyo gudashada xilkiisa madaxweynenimo.?

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka hadlaya talaabada ay qaadi doonaan haddii uu madaxweyne Siilaanyo hor iman waayo golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi ?Haddii golaha wakiiladu u yeedhi kari waayo madaxweynaha oo uu taa yeeli waayo in gudashada xilkiisa in wax laga waydiiyo waxaanu uga gudbi doonaa 27 xildhibaan oo dhiga mooshin xilka lagaga qaadayo madaxweyne siilaanyo sida uu dhigayo distoorka qaranku.? Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?golaha wakiilada in dhawayd xan iyo dhado ayuu huwanaa laakiin waxaanu isku dhaarsanay inaanu ka dhiidhino dhag xumada iyoi tacadiga lagu samaynayo iyo  karaamada la quudhsaday ee shacabka Somaliland ee lahayd qiimaha iyo karaamada uu distoorka Somaliland siiyey haddii uu nin sida uu doonayo ugu talabsanayo  lama dhigeen 97%, sidaas darteed mooshinka ay xildhibaanada golaha wakiiladu keeneen waa xaq distoori ah.?

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sharaxay qodobada dastuuriga ah ee golaha wakiilada awooda u siinaya inuu xakameeyo xukuumada isla markaana la hor keeno heshiisyada ay xukuumada gasho waxaanu yidhi ?qodobka 53-aad ee golaha wakiilada Somaliland waa mid  golaha wakiilada u khaas yeelaya inuu xakameeyo xukuumada, arimaha maaliyada iyo arimaha heshiisyada shisheeye ee ay xukuumadu gasho iyo wax kasta oo maaliyad la xidhiidha, waxaynu ognahay in madaxweynaha Somaliland inaanu golaha hor keenin boqol heshiis oo uu galay, ceebaha waynu ognahay ka soo baxay Genel Energy iyo heshiisyada caalamiga ah ee uu galay sida uu sheegayo qodobkaasina waa shaqada golaha wakiilada waana waxyaabaha la doonayo in lagu hor keeno golaha oo uu dhigo heshiisyadaa si loo eego waxay heshiisyadani manaafacaad u leeyihiin qaranka Somaliland.?

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu kale oo uu ka hadlay cida xaqa u leh miisaaniyada qaranka iyo cashuuraha dalka waxaanu yidhi ?miisaaniyada qaranka cid iska leh awooda ah inay diidaan ama laalaaan ama wax ku daraan waa golaha wakiilada, maantana waxa golaha la hor keenay miisaaniyad labaad oo uu wasiir ka mid ah wasiirada xukuumadu soo dhigay, waxaan idiin sheegayaa madaxtooyadu waa hay?addi ugu saraysay qaranka waxaanay isku badashay hay?add dakhli ururin, cida leh awoodaha cashuuraha lagu kordhin karo waa in lagala tashadaa wasaaradaha maaliyada, hawlaha guud  iyo ganacsiga,  waxaynu ognahay in dawlada madaxweyne Siilaanyo ka hor ay madax banaanaayeen dekeda magaalada Berbera, haamaha shiidaalka,guddida qandaraasyada qaranka iyo hay?adda wadooyinka maanta waxa mid mid loo hoos keenay madaxtooyada waana awoodii dhaqaale oo ku soo ururtay gacanta madaxweynaha, mana aqbalayno miisaaniyad aanu qodobka 53-aad aanu dhigayn, hadii la doonayo in waddooyin la dhiso ha lagu soo daro miisaaniyada qaranka, laakiin miisaaniyad loo sameeyo wasiirka madaxtooyada ma aqbalayno.? Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

Wariye : C/qaadir C/raxmaan Habane

COMMENTS
LINKS