Xildhibaan c/casiis c/laahi Oo ka Tirsan Golaha deegaanka degmada Gabiley Oo Badhasaabka Gobolka Gabiley Ku Eedeeyey Inuu Falal Amni Daro ka wado Gobolka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan c/casiis c/laahi Oo ka Tirsan Golaha deegaanka degmada Gabiley Oo Badhasaabka Gobolka Gabiley Ku Eedeeyey Inuu Falal Amni Daro ka wado Gobolka
September 23, 2013 - Written by editor
Xildhibaan c/casiis c/laahi Oo ka Tirsan Golaha deegaanka degmada Gabiley Oo Badhasaabka Gobolka Gabiley Ku Eedeeyey Inuu Falal Amni Daro ka wado Gobolka

 

Badhasaabka oo dadka kuhaya hadiida ,cagojugleyna iyo xadhiga badan, kulna hawlan kicinta iyo iska horkeenida bulshada.” ayuu yidhi xildhibaanku

Gabiley(WJN) Gudoomiyaha gudida Amniga golaha deegaanka degmada gabiley xildhibaan c/casiis c/laahi ismaaciil oo shir jaraa,id ku qabtey magaalada gabiley , ayaa badhasaabka gobolka gabiley ku eedeeyey inuu falal amnidaro ka wado iyo iska horkeenida bulshada ka wado gobolka .
waxaan hadaladiisii ka mid ahaa “ Badhaaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi waxa uu gobolka ka wadaa falal amnidaro iyo iska horkeenida bulshada,kudhaqan gobolka gabiley, Tusaale hadii aan ku siiyo waxaa jirey inamo iskaashatada baaburya wajaale oo uu isagu siiyey Ruqsadii ay ku bilaabilahaayeen markii ay wajaaletageen waxa uu maamulkii degmada ku yidhi xidha, Waxa kale oo jirta Tuula la yidhaa Cadaad dhaadheerey inuu dadkii tuuladaasi daganaa warqada u qorey ayuu yidhi ka guur waa dan guude oo maanta qoryaha laisku haysataa, Anaga ayaa cidwalba uga lexejeclo badan amniga waxaa maanta iga hadliyey badhasaabkii oo magaalada dhexdii ka wada fowdo oowada cago jugleyna iyo xadhiga, boqoljeer ayaa galney arimo badan oo uu soo xumeeyey,wuxuu xidhay cuqaal, dhalinyaro, daku isaga ayey xurmeynayeen cidi kamey hadlina, badhasaabku maah inuu yidhaa maqal ayaala iga qorey ee hala ii xidho Taasi xal maaha , ee isaga lama caayayo ee kursiga ayaa caayan.”
Ma uu xidhibaanku ka hadlayey arintii degmada geed baladhaan ayaa waxaa uu yidhi “Badhasaabku xataa arintii degmada geed balaadh oo aanu dhameyney ayaa soo cusbooneysiiyey Taasina lagama fileyn laakiin isaga ayaa ka masuul ah wixii amni daro ka dhaca gobolka , badhasaabku wuxuu yidhi Saxaafadu shaashadaha igama soo saaraan hadaad waxqabato oo lagaa soo saaro laashukri calala waajiba, hadii kale waxaa inamada ku qabsataabamayaalaan.
Waxaan badhasaabka ugu baaqayaa inuu joojiyo kicinta iyo iska horkeenida bulshada ku dhaqan degmada gabiley, badhasaabka waxaa leeyahay masuulkii gobolka ugu sareeyey ayaad tahay waxaan lagaa filayaa inaad waxwalba ku dhamayso wanaag iyo daganaan, ee isdaji , dadka sifiican ula macaamila.”ayuu yidhixildhibaanku

 

 

 

 

 

WAJAALE NEW S DESK

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS