Xeerka Uu Baarlamaanku Ansixiyey Haddii Uu Madaxweynuhu Saxeexo Waxa Iman Doonta In Loogu Daato Madaxtooyada Oo Dadka Danyarta Ah Inta Soo Gaadhaysaa In Ka Badani Inay Soo Gaadhi Doonto?Eng: Cabdirashiid Maxamed Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeerka Uu Baarlamaanku Ansixiyey Haddii Uu Madaxweynuhu Saxeexo Waxa Iman Doonta In Loogu Daato Madaxtooyada Oo Dadka Danyarta Ah Inta Soo Gaadhaysaa In Ka Badani Inay Soo Gaadhi Doonto?Eng: Cabdirashiid Maxamed Cali
September 24, 2013 - Written by Wariye:

eng rashiidHargeysa(Wajaale News):-Eng Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa si weyn uga hor yimid xeerka horu marinta waddooyinka ee ay maanta ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.

Eng:Cabdirashiid oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay si wada jira u qabteen xisbiyada mucaaridka ah ee dalku ayaa waxa uu tilmaamay  inay umada Somaliland ka tacsiyadaynayaan xeerkan ay  maanta ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiiladu waxaanu yidhi ?maanta waxaynu halkan iskugu nimdi si aynu shacabka Somaliland uga tacsiyadaynaynaa xeerkan baadhashada ah ee

bulshaduna u taqaano xeerka Xirsi, waxa maanta yaab leh waa markii ugu horaysay ee golaha wakiilada ay Somaliland ay soo fadhiistaan todobaatan iyo dheeraad xildhibaano ah kuwaas oo konton iyo siyaado ka mid ahi ay u codeeyaan xeer xaaraan ah, waxaan idiin sheegaynaa in xildhibaanadii aad doorateen ee aad xilka u dhiibateen ay ka baxeen wadadaas oo ay noqdeen rag ku codeeya lacagta Berbera laga soo qaado ee habeenkii inta lala soo guureeyo loo qaybiyo waana nasiib darro ku dhacday bulshada Somaliland.?ayuu yidhi Eng Cabdirashiid.
Eng:Cabdirashiid Maxamed Cali Oo Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

Eng:Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay abaabulayaan mudahaarado ka dhici doona guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaanu madaxweynaha uga digay inuu saxeexo xeerkaas isaga oo sheegay inay shacabka Somaliland ay ugu soo gali doonaan madaxtooyada haddii uu xeer qaran ka dhigo waxaanu yidhi ?xisbiyada mucaaridka ahi waxay diyaarinayaan mudaharaad ka dhan ah xeerkan kaas oo ka dhici doona magaalo kasta oo Somaliland ah  iyada oo ay gaadhi doonto in xeerka baarlamaanku soo ansixiyey haddii uu madaxweynuhu saxeexo in loogu tago kursigiisa oo madaxtooyada loogu daato, waxaanan madaxweynaha ugu baaqaynaa inaanu isku saxeexin xeerkaas oo aanu ka dhigin xeer qaran haddii kale dhibaatada soo gaadhaysa shacabka masaakiinta ahi mid ka darani inay soo gaadhi doonto?

Eng:Cabdirashiid waxa uu sheegay in cashuurta uu xeerkani jidaynayo ee laga qaadayo shacabka Somaliland ay qaadanayaan dad gaar ahi isla markaana aan waxba loogu qabanayn dadkii laga soo qaaday waxaanu ka hadlay xaalada dhaqaale ee haatan uu dalku marayo, isaga oo xeerkana ku tilmaamay xeer uu nin gaar ahi leeyahay waxaanu yidhi ?maanta waxa laga hadlayaa xoolaha oo cashuur la saaray iyo gaadiidka oo cashuur la saaray laakiin xaqiiqdu way ka fog tahay intaas oo dalkan waxa ka socda baadhasho waxaanad ogtihiin in biyaha hargeysa guriga lagu galin jiray afar boqol oo kun maantana lagu  galiyo laba milyan, meheradana waxa lagu galin jiray sadex boqol maantana waxa lagu galiyaa sadex milyan, islaanta makhaayada furatay ee inay faa,iidi iyo inay khasaari aan kala ogayn ee milyanka soo urursatay  xagay ka keenaysaa sadex milyan oo ay biyo ku soo xidhato, waxa  laga baxay naxariistii , waxa laga baxay madaxnimadii, waxaana laga baydhay wixii umadani dooratay waxa loo baydhay in jeebabka la buuxsado si toosa oo badheedha, waxaanu leenahay umadani ma qaadayso mana buuxinayso jeebabka, bulshadana waxaanu leenahay xeer maaha waddo lagu dhisayo xeer maaha dalka u dana waa xeer uu nin uu leeyahay oo uu jeebabka ku buuxsanayo haddii aan lacagtiina siinaysaan siiya waana baad, markaa mudaharaadkana ha loo diyaar garoobo bulshaduna ha diyaar garawdo, baarlamaankiina waad aragtaan oo hiil ka sugi maysaan xukuumadiina iyo wasiiradiinana waad aragtaan oo hiil ka sugi maysaan oo iyagaa baadhaqada u badheedhay.?ayuu yidhi Eng Cabdirashid.

Ugu danbayntiina Eng Cabdirashiid waxa xukuumada si weyn ugu dhaliilay mudaharaadka ardayda jaamacada Hargeysa ee xabada lagaga jawaabay waxaanu yidhi ?waad aragtaan ardaydii jaamacadaha dhiganaysay ayaa mar walba lacagtii lagu kordhinayaa marka ay mudaharaadaana xabad cas ayaa lagu dhuftaa xagee lagu arkay dunida inan jaamacad dhigta oo xabad loo quudho xagay joogtaa muwaadinimada iyo dalkan aynu ka hadlayaa, waxaanu leenahay shacabka hayska rogaan waxan la saaray danbigana iyagaa leh oo Kulmiye doortay maantana haddii aanay iska celin oo aanay u badheedhin dalkuna wuu baabayaa dhaqaalana ma jirayo  Somaliland-na meel aan laga soo qaban ayey ka wadaan.

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS