Waxaan Shacabka Somaliland Ugu Baaqayaa Inay U Diyaar Garoobaan Wakhti Ka Mid Ah Xaaladihii Ugu Adkaa Ee Soo Mara Dalka, Waxaana Xaalada Ina Gelinaya Inamo Kibray Oo Faaqay Oo Aan Ragba Waxba Iskaga Tirinayn..Muj:Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaan Shacabka Somaliland Ugu Baaqayaa Inay U Diyaar Garoobaan Wakhti Ka Mid Ah Xaaladihii Ugu Adkaa Ee Soo Mara Dalka, Waxaana Xaalada Ina Gelinaya Inamo Kibray Oo Faaqay Oo Aan Ragba Waxba Iskaga Tirinayn..Muj:Cali Guray
September 24, 2013 - Written by Wariye:

cali gurayHargeysa(Wajaale News):-gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa si kulul u naqdiyey xeerka horu marinta wadooyinka ee ay golaha wakiilada Somaliland maanta ansixiyeen.

Mujaahid Cali Guray oo maanta ka hadlay shir jaraa,id oo ay si wada jira u qabteen masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ayaa waxa uu tilmaamay inuu xeerkani dhibaato ku yahay dadka danyarta ah ee Somaliland isla markaana uu culays dhaqaale ku soo kordhinayo.

Ugu horayn gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa sheegay inay shacbiga Somaliland ka tacsiyadaynayaan xeerka horu marinta wadooyinka oo maanta ay golaha wakiiladu u codeeyeen  isaga oo sheegay inuu saamayn balaadhan ku leeyahay dadka danyarta ah  waxaanu yidhi   ? waxaanu shacbiga Somaliland ka tacsiyadaynaynaa in mar kale mashruucii balaadhnaa ee lacag urursigu kar kale oo ka mid ah ay golaha wakiiladu ansixiyeen, iyada oo ay  tahay miskiin ayaa misko la fuulo leh, dadka leh xoolaha iyo mashaariicda waaweyn  ee dhaqaalaha badan leh way  iska farsamayn karayaan lacag urursatada laakiin dadka masaakiinta ah ayaa lagu sandulaynayaa wax aanay qaadi karin.?

Mujaahid Cali Guray oo ka hadlaya xaalada uu dalku haatan marayo ayaa uu madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inuu hor istaagay mudaharaadka ay salmiga ah ee xisbiyada mucaaridka ahi codsadeen isaga oo tilmaamay in wakhtigii uu mucaaridka ahaa sharciyeystay mudaharaado  waxaanu yidhi ?Shini caydha ayaa dalkii ku degtay geedkana caleenta ayey ka cunayaan oo midhaha ayey ka cunayaan oo jirida ayey cunayaan oo xididada ayey cunayaan wax ay ka tagayaana ma jirto,  waxaanu codsanay inaanu mudaharaado ka dhigno arinkan, halka ay arintoodu maraysana waynu ognahay, marka aan mucaarid ahay mudaharaadku waa sharci, marka aan  anigu kursiga ku fadhiyo mudaharaadku waa mamnuuc ayuu Axmed Siilaanyo maanta marayaa haddii uu jiraba.?
Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa xukuumada ku eedeeyey fashilaada ku timid mashaariicdii dalka  ka socotay ee shiidaal baadhista isaga oo tilmaamay inaanay mucaaridku ka hor imanayn horu marka dalka iyo waxa ay dantu umada ku jirto waxaanu yidhi ?waad ogtihiin inay fashileen mashaariicdii dalka ugu waa waynayd  raga lacagtan ku urursanayaana waxay indho sarcaad uga dhigayaan intay waddo dhagax dhigaan inay yidhaahdaan taasaa lagu dhisayaa iyo tan ayaa la dhisayaa, anagu wax umadan loogu danaynayo oo waddo loogu dhisayo isma hor taagno kamana hor imanayno, laakiin waxaanu ognahay waddadii la dhisi lahaa ee Berber ilaa Wajaale meeday lacagteedii, waxay taalaa Nairobi waxaana shuruud lagaga dhigay hadaan Xirsi loo dhiibayn ma ogolaanayno inaad wadadaa dhistaan, halkana waxa la leeyahay lacag bixiya waddo ayaa la dhisayaa.?

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf waxa kale oo uu sheegay inaan madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aanay taladiisu faraha jirin isla markaana xukunkii dalka ay gacanta ku hayaan wax uu ku sheegay  inamo yar yar isaga oo shacabka Somaliland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee soo mara dalka mudo labaatan sano iyo dheeraad  ah waxaanu yidhi ?waxaan filayaa in saaka xildhibaanadii diiday xeerkani ay faah faahiyeen sida ay wax u dhaceen taas oo laga dhigayo dad kalsooni haysta, waynu ognahay meesha waxa yaala  in odaygan iyo afar inan meesha jogaan oo aanu odaygu waxba xukumin, lacag ayaa laynaga samaynayaa xididka waa la cunayaa haddii aad wax diidi waydaan meel ay ku joogsanayaan ma jirto, markaa anigu waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan xili ka mid ah xiliyadii ugu adkaa ee 22-kii sanadood dalkan soo maray, xaaladan cida ina galinaysaa  waa inamadan faaqay ee kibray ee aan rag waxba iskaga tirinayn ee lacagtii umada laga qaaday laaluushka u bixinaya ee intay culimada ururiyaaan intay madaxtooyada geeyaan odhanaya waxaanu nahay  dad iimaan leh oo umada ka naxaya iyaga oo tuuga oo budhcad ah?

Mujaahid Cali Guray waxa uu si weyn u naqdiyey horu marka uu sheegay inuu wasiirka madaxtooyadu la doonayo Somaliland ee aanu isagu(Cali Guray) la rabin waxaanu yidhi ?waxaan ka hadlayaa horu marka uu xirsi jecel yahay iyo wanaaga uu la jecel yahay Somaliland oo gadaal dhalad ah oo aan habeen qodoxi u mudin wanaaga  iyo cabdilaahi cukuse  ee aanan anigu  la jeclanayn waa maxay, waanu ku dhalanay waanu u  dagaalanay waanu u soo dhimanay inta aanu garanaynay ayaa u dhimatay inta agoon ee aanu naqaanao ayaa ka badan waar anigu xabad ayaan ku difaacayaa qarankan.? Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf.

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS