|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxa Kale Oo Aanu Ku Dadaali Doonaan In Aanu Bulshada Dhadhansiino Oo Aanu Kor U Sii Qaadno Cadaaladda Iyo Sinaanta,Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland
September 7, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa-(Wajaale News)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran (Cade) ayaa ka xog waramay golaha wakiilada somaliland xalada guud ee dalka iyo bilicda magalooyinka sida loo qurxinaayo. “Hadii ay tahay xaga nabad galyada waxaanu wadnaa mashruucyo fara badan oo ay ka mid yihin sidii bulshada reer Somliland u dareemi lahaayeen in wasaaraddooda iyo xukumadooduba ay u heelan yihiin, ayaa uu yidhi waxanaa uu intaa sii raciyay “in dadku markay guryhaooda ama suuqa joogaan inay dareemaan amni balaadhan oo ay ku nastaan oo ay ku naaloodaan, aniga oo tobaba riyo wax ka badal ku samayn doonaa ciidamada amaanka dhamaantoodba”. wasiirka Arimaha gudaha somaliland md: Cali Maxamed Warancade ayaa waxaa sodo kale uu shegay in uu rabo dadka meelaha qaldan ku qanacsada in uu u sameeyo meel sax oo ay ku qanacsan karaan waxaana uu shegay in uu na marnabaa isagu donaynin in la dhibaateeyo dadka masaakiinta ah waxaana uu yidhi. ” dadka masaakiinta ah ee ganacsada ee tamarta yar ee meelaha qaarkood fadhiya in la xaaqayo oo ay quruxdu jiidhi doonto, taas waxaan leeyahay taas waxba ka ma jiraan oo quruxda iyo ninka miskiinka ahi way wada socon doonaa, qofna meeshiisa laga qaadi maayo, laakin waxa aanu doonaynaa in meesha uu fadhiyaa ay noqoto meel nidaamsan oo nadiif ah oo wanaagsan. Dadkaa ilaa aanu u helno meelo ka qurux badan oo ka wanaagsan oo aanu samayno meelo ay ku shaqaystaan” Ugu danbayntii wasiirka ayaa oo ay khudbadiisu dheerayd isla markaana ay dhinacyo badan taabanaysay ayaa waxaa kalee oo uu ka hadlay cidamda badaa oo uu shegay in uu wado sidii loo siin lahaa qalabkii ku filaan lahaa badaa amnigeeda . “dhinaca amniga badah waxaanu wadnaa lafteeda mashruuc oo aanu doonayno in aanu ugu helno ciidankeena bada oo runtii ah ciidan aad iyo aad u muhima dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca nabad galyadaba oo badaheena oo runtii mudo dheer aad u dayacnaa sidii ay u hanan lahaayeen inay ilaaliyaan khayraadka ku jira, qalabkii ay ku shaqayn lahaayeen oo aanu wadno hada in aanu u soo kordhino si ay u hantaan nabad galyada badaheena iyo dhaqaalaha ku duugan labadaba” Wasiirka ayaa waxaa sidoo kalee su,aalo weydiyay xildhibanada golaha wakiilada isaga oo mid walbanaa sidee ugu shraxay golaha hortooda.
Wajaale News Office Hargeysa/Somaliland Related posts:Daawo:Suldaanka Guud Ee Beelaha C/raxmaan Sacad Oo Maanta Lagu Caleemo Saaray Magaalada Hargaysa Daawo:Waftigii Wasiirada Ahaa Ee Ku Maqnaa Dalka Ethiopia Oo Saaka Dalka Ku Soo Guryo Noqday FaahFaa... Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Khilaafka Udhexeeya Cabdi Xaashi iyo Mahd... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|