Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo Maanta Gaadhi Kala Wareegtay Hay,adda Save Children. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo Maanta Gaadhi Kala Wareegtay Hay,adda Save Children.
September 11, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):-Munaasibadan Gaadhiga Lagula Kala Wareegayo Ayaa Waxa Ka Hadlay Mustafe Ismaaciil Oo Ah Madaxa Save Children Ee Somaliland oo Faahfaahin ka Bixiyey sababaha ay ugu wareejinayaan wasiirada waxbarashada Gaadhiga waxaana uu yidhi,,anoo ku hadlaya magaca Hay,adda Save Children waxaan halkan mahad naq balaadhan uga soo jeedinayaa wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo run ahaantii xidhiidh wanaagsan wada leenahay oonu ka wada shaqayno dhinaca horumarinta iyo kor uqaadida waxbarashada Somaliland,waxa kale oo maanta aad ugu faraxsanahay inaan kala soo qaybe galno  xafladan aanu gaadhiga ku  wareejinayno wasiirka waxbarashada  ah gaadhigan oo

ka mid ahaa saddex gaadhi oo loogu talo galay in  wasaarada awoodeeda lagu kobciyo si ay ugu fududaato arimaha kormeerka ee dhinaca waxbarashada gobalada kala duwan ee Somaliland.

Mustafe Ismaaciil Oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas raciyey??markaas waxaan ugu talo galnay in uu gaadhigani waxbadan ka tari doono uu sii kobcin doono awood wasaarada oo ay ku kormeerayso arimaha waxbarashada ee loo igmaday,markaas anaga Hay,adda Save Children ahaan waxa naga go,an inaanu sida ugu wanaagsan ula shaqayno wasiirka wasaarada waxbarashada,wixii talo ah iyo tilmaana aanu ku kordhino wada shaqayntaanu la leenahay wasaaradan aanu xoojino,ujeedada aanu ujoogno Somaliland waxa weeyaan inaanu wasaarada kal shaqayno qaabkii ay usii xoojin lahayd adeegyada waxbarasho ee ku aadan caruurta ha noqoto am tayada wasaarada ama jaamacadaha dalka ka jira.sidaas ayaa uu yidhi Mustafe Ismaaciil Oo Ah Madaxa Save Children Ee Somaliland.

Dhanka kalen waxa ka hadashay wasiirka wasaarada waxbarashada  iyo tacliinta sare ee Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanay tidhi,,waxaan aad ugu mahad naqayaa Hay,adda Save Children oo runtii , mudo badan lasoo shaqaynayse wasaarada waxbarashada oo iyaga iyo anagaba iyo midawga yuruba aanu ka wada shaqayno waxbarashada si wanaagsan ugu wada shaqayno waxbarashada Hay,adda Save Children mashariicdaasi dhamaato ee cusub bilaabaan inta badan waxa ay sameeyaan in ay gawaadhi cusub usoo iibiyaan,mashaariicda ay  wadaana wixii gadiid ah am qalab ah ee loo baahdo ay ku wareejiyaan,kana  mid tahay labadii gaadhi ee hore ay nagu wareejiyeen madaama ay wasaarada waxbarashadu ay ku bateen dugsiyadii hargaysa markaas waxa ay ubaahdeen kormeerkii gaadhi ay ku kormeeraan dugsiyada,markaas gaadhigani anaguna waxaanu ku wareejinaynaa kormeerka oo gaadhi la,aani ku dhacday sidii shaqadii loogu talo galay ee loogu  iibiyey gaadhiga loogu guto.sidaas ayaa ay tidhi marwo samsam cabdi aadan wasiirka waxbarashada Somaliland.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS