Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Socdaalkiisii Austrelia Soo Gaabiyey, Si Deg-deg ahna Ugu Amba-baxay Dalka Ingiriiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Socdaalkiisii Austrelia Soo Gaabiyey, Si Deg-deg ahna Ugu Amba-baxay Dalka Ingiriiska
September 9, 2013 - Written by Wariye:

Dubai-(Wajaale News)-Wafti uu hogaaminayo wasiirka macdanta iyo khayraadka Somaliland, Xuseen Cali Ducaale ayaa la sheegay in ay London  ku soo food lee yihiin. Waftiga oo socdaal aan la shaacin isla markanaa saxaafada laga qarinayo uga soo ambo baxaya magaalada Dubai, waxaana qorshaha waftigu uu ahaa in maanta oo Isniin ah subxnimada hore ee saacada London ay kaga hortagaan Cali Adan Cawaale oo ah safiirka Somaliland dhanka xukumada u qaabilsan dalka Britain, Maareeyaha TV qaranka iyo xubno socadaalka qarsoodiga ah lagu aaminay in lala socodsiiyo, hase ahaatee dhamaan jaaliyada hogaankeeda kale bustaha laga saaray waftiga iyo u soo boqoolka dhanka London.

Waa maxay ujeedada socdaalka waftigu?

Sida warar rasmiga ah ee

aanu helnay ay sheegayaan, socdaalka waftiga ayaa ku qotoma sidii ay waftiga uu hogaaminayo wasiir Xuseen Ducaale uga daba tagi lahaayeen shrikada shidaalka qodista ka waday gobolka Togdheer ee todobaadkan isaga baxday ee Genel loogu qancin lahaa in ay ka noqoto go?aankaas, halka ilo kalena ay sheegayaan in ujeeda socdaalka waftigu yahay mid ka yimid dalab shirkada Genel kudoonayso in London uu ka dhaco  kulan xukumada Siilaanyo ay ku sharaxdo dhacdooyinkii ay shirkadu kala kulantay gobolka Togdheer, sida weeraradii beelaysnaa, musuqmaaqus lagu lunsaday lacago shrkadu ku bixisay in dadka deegamada batroolka laga qodayey wax loogu qabto,  loogu badalo ama magdhow ahaan loo siiyo cidii deegaan ahaan ay saamaysay dhulka shirkadu la wareegtay mudadii ay baadhista waday shan goobood oo ka tirsan Gobolka Togdheer.

Dhacdooyinkii, sida weerarda iyo hajabaaadihii lagu kiciyey shirkada Gene Engergy ayaa noqday gabi ahaanba kuwo buriyey heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee Wasiirk Xuseen Ducaale iyo madaxweyne Siiraanyo la galeen shirkadaas oo ay ugu horaysay in amaanka shirkada la adkeeyo dhulka ay ka hawlgalaysona la xoojiyo ilaaintintooda. Hase ahaatee firxad-kubaxa shirkada ee tododbaadkan ayaa noqday ku ay ku baraarugto xukumada Siilaanyo iyadoo markii hore gashay heshiis aanay bulashada ay dhulkeeda qalinka ugu saxeeday shirkada Genel Energy iyo golaha sharcid dajinta qaranka ee wakiilada aan ka soo ansixin, wax talo-ka qaadashona kala yeelan.
Wasiir Xuseen Ducaale oo shirkadan iyo kuwo yaryar oo lagu sheegay websiteka ay leedahay shirkada Genel Engergy ka ahaa dilaalka ugu muhiisan ee qalinka u hayey heshiiyada lala galay shirkada,  heshiisyadaas oo la sheegay in uu isagu wasiir ahaan ku qaatay in kabadan 2 milinyan oo dollar oo xaqa saxeex ah, halka lacago kale oo shirkadan lagaga qaaday siyaabo kale loo lunsday.

Waftiga ayaa sidoo kale la sheegay in ayna la kulmayn jaaliyada, isla markaana laga qarinayaa imaanshahooda, xiisadah ka taagan arinka shidaal qodista ee saameeyey Gobolka Togdheer iyo beelo wada yaal deegaamadii ay shirkadu ka baadhay shidaalka.

Dhanka kale waftiga ayaa warar kale sheegayaan in sidoo kale ay soo socdaan wasiirka ganacsiga Maxamed C/laahi Oomar, wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka caafimaadka,  Mr. Xagle Toosiye iyo Wasiirka Madaxtooyada Wasiir Xirsi oo dhanka Itoobiya la shegay in uu ka imandoono, halka kuwa kale dhamaan ay ka soo baxayaan Dubai, kuwaas oo iyaguna la cadayn ujeedadooda. Xaalada baadhista shidaalka Togdheer ayaa huwisay xukumada Siilaanyo fadeexadii ugu weynnayd iyo soo ifbaxa musuqmaasuq aan loogu aabo yeelin deegaan iyo karaamo qaran midna. Wixii warar ah ee ka soo kordha loco.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS