Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Maanta Horkeenay Golaha Wakiilada Misaaniyada Sanadka 2014 Warbixina Ka siiyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Maanta Horkeenay Golaha Wakiilada Misaaniyada Sanadka 2014 Warbixina Ka siiyey.
September 29, 2013 - Written by editor

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Maanta Horkeenay Golaha Wakiilada Misaaniyada Sanadka 2014 Warbixina Ka siiyey.

 

Hargaysa(WJN):-Fadhigii Maanta Golaha Gakiilada Somaliland ushir guddominyey guddomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane C/raxmaan Maxamed Cabidlaahi Ciro ayaa uu wasiirka maaliyadda Somaliland Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale usoo gudbiyey misaaniyadii sanadka 2014 mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.

Wasiirka waxa uu sheegay in sharaf iyo maamuus utahay in hor yimaado golaha wakiilada Somaliland waxaana uu yidhi??maanta waxa sharaf ii ah inaan hor yimaado golaha sharci dajinta Somaliland oo ah golaha wakiilada aniga oo gudanaya waajibaadkii nasaarnaa oo ah inaan idiin keeno miisaaniyada sanadkan sida tastuurku

Waxa kale uu sheegay wasiirku in ay maanta usoo gudbinayaan golaha wakiilada miisaaniyada sanadka 2014 waxaana uu yidh??mudanayaal miisaaniyada sanadka 2014 hadii ilaahay idhaaho waxa ay noqon doontaa ta xukuumada dhexe( boqol laba iyo konta milyan oo dollar) oo udhigan tahay (sagaal boqol iyo laba iyo toban bilyan oo shilinka Somaliland ah)sidoo kale miisaaniyada dawlada oo xukuumada dhexe iyo haayadaha madax banaan marka la isku daro waxa ay noqon doonaan(laba boqol iyo laba iyo toban milyan oo dollar.

Sidoo kale wasiirka maaliyada Somaliland mudane Cabdi Casiis Maxmed Samaale waxa uu sheegay in miisaaniyada sanadkani ay ka badan tahay tii hore waxaana uu yidh??miisaaniyada 2014 waxa ay tii hore ka badan tahay lacag gaadhaysa (Toddoba Iyo Labaatan Milyan Oo Dollar)halka miisaaniyadii sanadka 2013 ay ka badnayd sanadkii tagay ee 2012ka (sagaal iyo toban milyan oo dollar)miisaaniyadii sanadka tagay ee 2012ka waxa  ay ka badnayd miisaaniyadii sanadkii tagay ee 2011ka oo ahayd toddoba iyo sideetan milayn inta sida caadiga usoo baxdayna ay ahayd,laba iyo sideetan milyan.

 Wasiirka waxa kale oo uu sheegay in ay halkaasi ay ka muuqdaan miisaaniyada koradhkeeda waxaana uu yidhi?? mudanayaal halkaas waxa ka muuqda korodhka miisaaniyada ee sanad kasta qarankeena u kordha uu run ahaantii ku Timaado dadaal badan oo wasaarada maaliyada iyo wasaaradaha kale ee hawsha la qabta ay runtii sameyaan iyo golayaasha qaranka oo runtii aan la ilaabi Karin doorka ay ku leeyihiin  korodhka miisaaniyada  oo dhan walba marka laga eego.

Wasiirku maaliyada Somaliland waxa uu sheegay miisaaniyada sanadka 2014 in aanay ku darin miisaaniyada la kordhiyey sida uu sheegay marka laga reebo mooyaane korodhka miisaaniyada wadooyinka  oo golaha wakiilada dhawaan ansixiyey oo qadarka ka soo baxay uu yahay ku talo galka miisaaniyada (afar milyan oo dollar) oo dakhli ahaan gali doona wasaarada maaliyada somaliland.

Wasiirku waxa kale uu sheegay in miisaaniyada sanadkan mid ay kordhiyaan iska daaye ay dhimeen  cashuuro badan waxaana uu yidhi??cashuuro aanu kordhinay iska daaye waxaanu baabiinay cashuuro badan oo aanu aragnay in ay  dadka culays ku yihiin,sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in ay hoos udhig shaqaalaha.

Waxa kale uu wasiirka maaliyada Somaliland sheegay in sanadkan hoos loo dhigay cashuurtii laga qaadi jiray kala wareejinta baabuurta.

cashuurta macaashul  macaashka oo ahaan jirtay 24%, kala wareejinaha sanadka oo barigii hore ahaan jiray boqolkiiba saddex shay walba  oo laba qof kala wareejiyaan ku talo galka miisaaniyada sanadka 2014ka waxaanu ka dhignay in kala wareejinta Halkii (Boqolkiiba sadex ay ka ahayd la baabiiyo cashuurtaas oo laga dhigo baabuurta yar yar Shan iyo Konton dollar($55) oo kaliya kuwa waa wayna laga dhigo boqol iyo shan dollar ($105).?

Dhanka kale wasiirka maaliyada Somaliland mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale waxa uu sheegay in sanadkan 2014 wasaarado badan loo samayn doono waxaana uu yidhi??waxaanu sanadkan miisaaniyada ku soo darnay cashuur dhaafyo wasaarado gaar ah khusayn doona oo awal cashuuro laga qaadi jiray  oo sanadkan aanu doonayno in ay noqdaan bilaa cashuur,waxaa ka mid ah waxa kasta oo waxa soo saar leh oo la xidhiidha wasaarada beeraha,haday noqoto cagafyada iyo waxa kasta oo beeraha lagu isticmaalo awl cashuur kooban ayaa laga qaadi jiray,markaas ku talo gal kan sanadkan 2014  oo bilaa cashuur laga dhigo oo waxa kasta oo beeraha loo isticmaalayo ay bilaa cashuur noqdaan ayaanu sanadkan miisaaniyada ugu talo galnay,oo dhaqan gali doona marka golahan sharfta leh ansixiyaan,sidoo kale waxa lagu isticmaalo badaha iyo kaluunka ee laashashka am qalab kale ee iyaguna lagu isticmaalo bada ee kaluumaystadu isticmaasho in laga dhigo cashuur la,aan ayaa ku jira sanadkan 2014ka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey wixii deegaanka waxa taraya ee sida gaaska ee lagaga baaqsan karo shidida dhirta iyana waxaanu ka dhignay cashuur la,aan waxa kale uu wasiirku sheegay in iyana cashuur dhaaf loo sameyey wasaarada biyaha oo la xidhiidha qalabka biyaha waxa uu wasiirku intaas raaciyey in ay iyana bilaasha ka dhigeen qalabka warshadaha oo hoos yimaada wasaarada warshadaha.

WAJAALE NEWS DESK

Hargeisa Office

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS