Wasiirka Duulista Oo Soo Dhaweeyey Duulimaadyada Shirkada African Express Oo Ka Bilaabmay Garoonka Caasimada Iyo Wakiilka Diyaaradaas Oo Ka Hadlay +Daawo Sawirada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Oo Soo Dhaweeyey Duulimaadyada Shirkada African Express Oo Ka Bilaabmay Garoonka Caasimada Iyo Wakiilka Diyaaradaas Oo Ka Hadlay +Daawo Sawirada
September 23, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa soo dhaweeyey duulimaadyada shirkada diyaaradaha ee African Express oo maanta si rasmiya u bilawday u bilawday duulimaadyadeeda magaalada Hargeysa.

Hargeysa(WJN):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa soo dhaweeyey duulimaadyada shirkada diyaaradaha ee African Express oo maanta si rasmiya u bilawday u bilawday duulimaadyadeeda magaalada Hargeysa.

Ugu horayn wakiilka diyaarada African Express Cali Xasan Gaas oo ka hadlay duulimaadyada ay bilaabeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay tahay mid ay ku faraxsan yihiin waxaanu yidhi ? Diyaarada African Express waxay bilawday duulimaadyadeeda magaalada Hargeysa, markaa Hargeysa oo kaliya kuma ee kaan doono,
waxa kale oo aanu fadhiisan doonaa magaalada Berbera si ay dadka gobolada berigu halkaas uga tagaan dalka, markaa duulimaadyada diyaaradan waxaanu ka dhignay  afar duulimaad oo Hargeysa ah iyo laba magaalada Berbera  anaga oo mar walba ka dagi doona magaalada Berbera kana kici doona,?

Sidoo kale wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay duulimaadyada ay diyaaradani bilawday ayaa waxa uu sheegay  inay guul u tahay qaranka Somaliland waxa uu yidhi ?guul weyn ayey u tahay qaranka Somaliland in garoonkeenii caasimadu uu yahay garoon caalamiya oo maanta isku xidhay dhamaan caasimadihii loo baahnaa, waxaanu garoonkani maanta si toosa u waraabinayaa  dalka imaaraadka carabta, dalka sucuudiga arabiya, Djabouti, Ethiopia, Kenya iyo dalka Somaliya taas oo cadanaysa inuu yahay garoon sahlaya dhamaan adeegyadii looga baahnaa.?

Wasiirka wasaarada duulista oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Somaliland uu amaankiisu sugan yahay taasi ay keenayso inay diyaaraduhu bilaabaan duulimaadyadooda waxaanu yidhi ?waxay muujinaysaa oo kale in garoonka amaankiisu wanaagsan yahay, diyaaradahani waa diyaarado qaaliya oo la ka qaalisan Run-Waygeena, haddii aanay halkan ku hubin amaanka iyo tayada garoonka kamay soo dageen mana ah wax af gobaadsiya iyo wax la kilin kilaynayo, umaduna waxay wada leedahay way ku faantaa garoonkana ma laha cid gaari oo aniguba bari ayaan ka tagi doonaa umadan ayaa iska leh waxaanan leeyahay maanta ayuu yahay garoon caalamiya  waxaanan ku kalsoonahay inuu noqdo mid ay sumcadiisu soo baxdo, diyaaradahan Africa Express waanu soo dhawaynaynaa.? Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi

 

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS