Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Muxuu Ka Yidhi Hakadkii Ku Yimid Duulimaadyada Shirkada Diyaaradaha Ee Ethiopian Air Line. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Muxuu Ka Yidhi Hakadkii Ku Yimid Duulimaadyada Shirkada Diyaaradaha Ee Ethiopian Air Line.
September 4, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in Diyaaradii Ethiopian Airline ay arrimo dhinaca amaanka ah uga baaqatay in ay dalka Somaliland soo Cago dhigato.

Wasiirka oo maanta Kooxo Wariyeyaal ah kula hadlayay Garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, waxa uu xusay in diyaaradda Ethiopian Airline ay maanta soo cago dhigatay Hargeysa, duulimaadkan oo noqonaya kii labaad ee ay Somaliland ku timaado.

Waxaanu yidhi ?  arinta diyaarada Ethiopian Air Line haddii aan ka hadloi diyaaradaasi way imanaysaa garoonka duulimaadyadeedii caadiga ahaana sidoodii ayey u wadaysaa  maantana way imanaysaa waxaanay qaadaysaa rakaab halkan ku sugaya,  hawlo iyaga u gaara ayaa jiray labadii maalmood ee ugu danbeeyey oo ay ka baaqatay duulimaadkeedii Hargeysa  balse garoonkan iyo amaanka Somaliland wax ka xun oo ay diyaaradaasi ku maqnaan karto ma jirto.? Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada somaliland

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS