|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Maanta Ka Qayb Galay Munaasibad Balaadhan Oo Shahaadooyin Lagu Gudoonsinayey Arday Ka Qalin Jabisay Qaybaha Kala Duwan Ee Macaahida Daarul Iimaan
September 5, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday ka tirsan machadka Daarul Iimaan. Munaasibada abaal marinada lagu gudoonsiinayey ardaydan oo ka qabsoontay xarunta dugsigaas ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland,la taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada,xubno ka socday wasaarada waxbarashada,maamulka,macalimiinta,ardayda iyo waalidint ay ardaydoodu wax ka dhigtaan macaahida Daarul Iimaan Wasiirka wasaarada diiinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka hadlay qiimaha ay leedahay in caruurta lagu barbaariyo quraanka, isaga oo waalidiinta,maamulka iyo macaliinta macaahidaasna u soo jeediyey dardaaran la xidhiidha ardayda ay gacanta ay ku hayan. Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa hadaladisii ka mid ahaa ? farxad weyn ayey noo tahay inaanu ka soo qayb galno munaasibadan aynu caruuta ku gudoonsiinayno abaal marinada kala duwan, anaga oo ilaahay ka baryeyna inuu inoo balaadhiyo machadkan Daarul Iimaan,waxaanu uga soo qayb galaynaa munaasibadaha noocan ah gaar ahaan macaahida islaamiga ah oo ah bud dhigii diinteena inaanu dhiiri gelino, siyaasada ay xukuumadu ka leedahay waxa weeyaan inay is garab taagto oo aanu horu marintooda iyo dedaalkeeda kor u qaado, Intii ay xukuumadu jirtay waxaanu qabanay wax badan oo aad dareemaysaan in kor loogu qaadayo quraanka ilaahay iyo diinta, waxaana loo baahan yahay inaynu dhamaanteen is garab taagno barashada quraanka kariimka ah iyo culuumta diinta Islaamka.? Ayuu yidhi wasiirka diinta. Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa uu kula dardaarmay maamulka,macalimiinta iyo waalidiinta ardaydoodu dhigato machadkan inay sii wadaan dedaalka ay galinayaan caruurta isaga oo u soo jeediyey inay kula dedaalaan barashada quraanka kariimka ah iyo guud ahaan culuumta Diinta Islaamka. Sidoo kale Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland waxa kale oo uu sheegay inay macaahida quraanka kariimka ah u soo daydayaan dhul u gaara oo la dejiyo isaga oo tilmaamay inay kala hawl gali doonaan sidii loo heli lahaa dhulkaas kana caawinayaan dhinaca sharciga. Maamulaha guud ee macaahida Daarul Iimaan Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen macaahida Daarul Iimaan isaga si gaara u tilmaamay wax qabadyada sanadkii tagay u hir galay macaahidan waxaana hadaladisi ka mid ahaa ? macaahida Daarul Iimaan waxa la sameeyey sanadkii 2003 iyada oo maanta laga joogo toban sano, waxaana lagu aas aasay qaybta xifdiga quraanka kariimka ah waxaana dhawr sano gudahood raacay qaybta culuumta shareecada iyo luuqada carabiga qaybtaas oo aynu maanta u joogno qalin jabintii ugu horaysay, maantana waxa farxad inoogu filan inay ardayda macaahida Daarul Iimaan u diyaarsan tahay heerarka kala duwan ee waxbarashada laga bilaabo xifdiga quraanka ilaa heer jaaamacadeed, waxaanan u mahad naqayaa gudoomiyaha jaamacada Gollis oo suurta galiyey inaanu gacanta ku qabano kuliyada shareecada islaamka iyo daraasaadka islaamiga ah oo ardayda ka baxda macaahida Daarul Iimaan ay aqoontooda jaamacadeed ka sii wadan karaan.? Ayuu yidhi maamulaha guud ee macaahida Daarul Iimaan. La taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ardaydan xafidsan kitaabka ilaahay ee ka soo baxay machadka Daarul Iimaan waxaana hadaladiisi ka mid ahaa ? waxa maanta sharaf ah in maamulka,macaliimta iyo waalidiinta machadkan inay ku tabceen ardayda qiimaha iyo qaayaha leh ee kitaabka ilaahay iyo sunada rasuulka loo xanbaariyey, waxaanan u mahad naqayaa waalidiinta ardaydan oo tacab badan galiyey iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaateen waxbarashada caruutooda iyaga oo waliba kula dadaalay waxbarashadii ugu qiimaha badnayd ee ilaahay agtiisa qiimaha ku leh, xukuumad ahaan waad fahmi karaysaan inay xukuumadani tahay xukuumadihii dalka soo maray inay tahay xukuumadani tahay tii arimaha diinta ugu dhagaha nugul.? Ayuu yidhi taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi. La taliyaha madaxweynaha ee arimaha bulshada waxa uu kula dardaarmay ardayda wax ka barata macaahida Daarul Iimaan,mamulkooda iyo macalimiintaba inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda. Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay xubno ka socday wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland,madax dhaqameed,waalidiinta iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood soo jeediyey in la sii wadoo dedaalka la galinayo caruurta yaryar ee ku wajahan dhinaca diinta. Ugu danbayntiina waxa shahaadooyin la gudoonsiiyey arday dhamaystay qaybta shareecada ee Machadka Daarul Iimaan iyo arday xafiday quraanka kariimka ah iyo waliba sidoo kale ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanaadkii laga qaaday sanad dugsiyeedkan.
Wajaale News Office Hargeysa/Somaliland Related posts:Komishanka Doorashooyinka Oo Ilaa Hada Ku Dhawaaqay Natiijada Hordhaca Ah Ee 15 Degmo Iyo Sida Ay Xi... Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Shaaciyey Damaciisa Kaga Jira Hogaanka Golahaasi Iy... DAAWO ; Sheekh Aadansiiro Oo Dhaliilihii Ugu Cuslaa Usoo jeediyay Xukuumada Siilaanyo''Dowladaha fas... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|