|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiiradii Soo Xallinta Xiisadihii Deegaanka Xariirad Oo Sheegay In Ay Soo Afjareen Muranadii Ka Taagnaa Deegaankaa.
September 20, 2013 - Written by Wariye:Borama(Wajaale News)Waxa ku soo laabtay Boorama Weftigii Wasiirrada ahaa ee ay xukuumadu u dirtay deegaanka Xariirad isla markaana loo xil-saaray inay soo afjaraan xiisadii u dhaxaysay beelaha deegaankaasi ee mudada soo jiitantay. Weftigan ayaa waxa uu sheegay in xiisadaasi ay soo afjareen isla markaana xal nabada u ehel ah laga gaadhay AANO sodon jirsatay oo u dhaxaysay beelaha reer Dudub iyo Ciise ee degaanka Xariirad. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw- Daahir oo Hoggaaminayay weftigaas oo saxaafada la hadlay ayaa yidhi “Waxa aan ku tagnay Xariirad wafdi ka kooban 5 xubnood oo ay ka sii horeeyeen xubno kale oo golaha guurtida ka socday, si wanaagsan ayay wax noogu qabsoomeen, Jimcihii hore ayay soo dhamaadeen ergadii labada beelood ee arinta gorfaynaysay, Sabtidii ilaa maanta shirar aan nabada ku xidhaynay ayaa noo socday, waxaa lagu heshiiyay in wixii colaad ahaa ee u dhaxeeyay labada beelood la tuuro oo waxa nool loo taliyo” Wasiirka oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa aan wixii intan ka dambeeyay galnay in la kala guro dilal soo taxnaa ilaa 1982kii, waxana ay noqdeen 12 nin iyo gabadh la dilay oo labada beelood u dhaxeeyay, waxana ay noqotay markaa hadii aan nabadii xidhnay inaanaan dilalkaasi ka tagin ee aan u kala xukuno, waanan kala xukunay oo maanta ayay dhamaatay, wixii qiraal ahaa, wixii marqaati loo helay iyo wixii ay dhaari waajibtayba waa la kala xukumay, wixii qiraal ahaana laba dhinacba way ku qanceen iyaga oo wata xidhayaashoodii, go’aankaas nabadeed ayaana lagu soo afjaraty xiisadaas soo jiidatay ilaa 1982kii. Wasiirku waxa uu ka gaabsaday inuu kala sheego sida ay labada beelood u kala gaysteen dilalkaasi kala duwan waxana uu yidhi “Waxa ay ahaayeen tirada guud 12kaasi kiis, waxana ay noqdeen wixii la isla qaatay ee laga heshiiyay ee u dhexeeyay labada beelood. Sidoo kale waxa uu Wasiirku sheegay inay jireen arimo kale oo dhinaca dhulka, beeraha iyo hantidaba ah oo labada beelood isku sheegteen kuwaas oo xalkooda uga yimaadeen xildhibaanadii guurtida ahaa oo ku sugan wali Xariirad. Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamuud Bare Garaad oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Waxa aan ka gaadhnay xiisadii Xariirad guul ku dhalatay mudo kooban, taasi oo ah mid taariikhda gashay oo aan rajaynayno inay nabada u adeegto, waxana ku amaanayn beelaha ay xiisadu u dhaxaysay oo arinta u galay si milgo leh” “Maalintii hore ee aan tagnay labada beelood isma eegi karayn oo laba dhinac ayay kala fadhiyeen, maalintii labaad ayayse wax kala furfiurmeen oo markii aan u kala qaadnay kafankii waxa ay bilaabeen inay is dhex galaan oo ay wada hadlaan, waxana ay nagu soo celiyeen arinta xalkeeda oo ay noo igmadeen inaan kala xukuno, anaguna go’aankii maanta ayaan siinay waanay ku qanceen oo Xariirad oo dhan waxa dhex saaqday fantasiyo iyo farxad salka ku haysa heshiiskii la gaadhay. Wajaale News Related posts:Wardoonka Itoobiya Iyo Mudanayaal Katirsan Baarlamaanka Dalkaasi Oo Rumeysan Waayay Labadda Waji Ee... DAAWO;-Mid Kamid Ah Dardaaranadii Dhaxal Galka Ahaa, Ee Marxuum Axmed Xaaji Cali Cadami Uga Tagay Sh... Muwaadin Ganacsade Ah Oo 77Cisho Sharci Daro Ugu Xidhan Wasiir Samsam Iyo Jawaab La,aanta Madaxtoo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|