Wasiirada Maaliyada Iyo Ciyaaraha Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Dhalinyarada Lagaga Wacyi Gelinayey Dhibaatada Tahriibka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirada Maaliyada Iyo Ciyaaraha Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Dhalinyarada Lagaga Wacyi Gelinayey Dhibaatada Tahriibka.
September 3, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland iyo wasiirka ciyaaraha ayaa ka qayb galay munaasibad balaadhan oo dhalinyarada lagaga wacyi gelinayey khatarta ku duugan tahriibka.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa soo qaban qaabiyey ardayda somaliland ee wax ka barata jaamacadaha wadanka Malaysia kuwaas oo haatan ku sugan wadanka, iyada oo ujeedada ugu weyn ee kulankan loo qabtayna ay ahayd sidii dhalinyarada wadanka loogu wacyi gelin lahaa khatarta tahriibka .

Wasiirka

wasaarada maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu ka hadlay kulankan ayaa soo qaban qaabiyayaasha kulankan uga mahad celiyey sida ay dhalinyarada uga wacyi gelinayaan tahriibka waxaanu yidhi   ? waxa farxad weyn ii ah in ardayda somaliland dedaalkii ay ka wadeen dalka dibadiisa  ay halkana ka bilaabeen iyaga oo soo bandhigaya dhibaatada ay leedahay tahriibtu  taas oo ku tusaysa dareenka, ahmiyada iyo wadaniyada ay u qabaan dadkooda.?

Sidoo kale wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in qof kasta uu wadankiisu u wanaagsan yahay waxaana hadaladisii ka mid ahaa ?maanta waxay ardaydani inoo soo badhigeen khatarta ay leedahay tahriibtu iyo waxa dadkii ku dhacay, waxaanan u malaynayaa qof kasta oo caqli lihi in dalka uu u dhashay meel u dhaanta aanay jirin.?

Tahriibka ayaa noqday dhibaatada ugu balaadhan ee haatan dalka ka taagan  taas oo ay hadyo jeer soo baxaan qaylo dhaan la xidhiidha sidii loo joojin lahaa iyada oo dhalinyarada Somaliland-na wacyi gelin balaadhan laga siiyo dhibaatada uu leeyahay tahriibku.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS