Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Macdanta oo Kulan La Yeeshay Maamulka Shirkadda Sahaminta ee Genel Enegy | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Macdanta oo Kulan La Yeeshay Maamulka Shirkadda Sahaminta ee Genel Enegy
September 13, 2013 - Written by Wariye:

u gaar ah wajaale newsLondon (Wajaale News) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo uu wehelinayo Wasiirka Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa heshiis hor dhac ah la saxeexday Mulkiilaha Shirkaddii Sahaminta shiidaalka ka waday dalka ee Genel Energy oo ka soo baxday guud ahaanba Somaliland.
Sida ay warar hor dhac ahu xaqiijiyeen Wajaalenews, labadda dhinaca ee shirkadda shiidaalka iyo waliba Wasiiradda Somaliland ayaa ku kulmay Dalka Ingiriiska, waxaana la isla af gartay in dib ay hawlihii Sahaminta ahaa ay uga bilawdo Somaliland.

Shirkadan ayaa dhawaan ka ambo-baxday Somaliland, waxaanay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ay dhinaca amaankeeda uga baxday Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee labadda dhinac ayaa la filayaa in ay kulamo kale wada yeeshaan kuwaas oo lagu sii ambo qaadayo heshiiskii hor dhaca ahaa..

COMMENTS
LINKS