|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Waran Cade Oo Is Xajin Kari Waayay Eedihii Ay Mucaaradku U Soo Jeediyeen Xukuumada Kuna Tilmaamay Mucaaradka Kuwa Xaasidnimo Wada.
September 22, 2013 - Written by editorWasiir Waran Cade Oo Is Xajin Kari Waayay Eedihii Ay Mucaaradku U Soo Jeediyeen Xukuumada Kuna Tilmaamay Mucaaradka Kuwa Xaasidnimo Wada.
Waan yaabay mucaaradnimada Somaliland xaasidnimo ayay noqotay,…wasiirka arimaha gudaha somaliland.
Hargaysa (WJN)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde ayaa Mucaaridada Somaliland ku micneeyay mid xaasidnimo ku lamaan tahay, wuxuuna Mud: Warancadde ka dhawaajiyay inuu isagu xejin waayay markuu arkay inay Xaasidnimo tahay. Sidaana wuxuu ku sheegay markuu ka hadlaayay garoonka diyaarahada Hargaysa wakhti uu isaga iyo Wasiiro kale ka soo laabteen Waddanka Itoobiya oo ay safar shaqo ugu maqnaayeen. Wasiirka oo arrintaas ka hadlaaya ayaa yidhi. “Mucaaradnimada Somaliland waxay noqotay xaasidnimo, barigii dhaweyd ee aan degaanka Sanyre ee Gobolka Togdheer u tagay dadkii beenta loo sheegay ee carqaladaha kala horyimi shirkadi hawlaha shiidaal baadhista waday, ayaa waxaan ugu tagay goobtii, niman siyaasiyiin ah oo aan garanaayo. Markaasan ku idhi waar meesha maxaa idin dhigay. Waxay igu yidhaahdeen shidaal laga qodaayo degaanka majiree wax kale ayaa la wadaa.”.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|