|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Oo Shaqadiisii Ka Baaqday, Wehelna U Ahaa Wasiir Xirsi Oo Saaka Horyimid Golaha Wakiiladda Somaliland
September 9, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(HWN):-wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah ee Somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaa maanta wasiirka madaxtooyada ku wehelinayey warbixin uu mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ka siinayey xeerka dayactirka waddooyinka. Hargeysa(Wajaale News):-wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maal gashiga caalamiga ah ee Somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaa maanta wasiirka madaxtooyada ku wehelinayey warbixin uu mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ka siinayey xeerka dayactirka waddooyinka. Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga ayaan ka mid ahayn masuuliyiintu uu khuseeyo xeerka dayac tirka waddooyinka oo xukuumada u soo gudbisay golaha wakiilada Somaliland isaga oo wasaaradiisuna aanay wax shaqo ah ku lahayn xeerkan isla markaana aan looga yeedhin golaha wakiilada. Wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Bashiir Cabdi Xariir oo hore uga tirsanaa masuuliyiinta madaxtooyada Somaliland balse haatan wasaarad ka madax banaan ta madaxtooyada xil ka haya ayaa ilaa hada laga dareemayaa inaanu wali fahmin shaqada wasaarada uu xilkeeda hayo, isaga oo xilkii qaranka ee loo igmadayna kaga mashquulsan hawlo aanu xilkooda hayn. Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir ayaan wasaaradiisu wax xidhiidh ah la lahayn xeerkan wax laga waydiinayey wasiirka madaxtooyada balse imaanshiyaha xarunta golaha wakiilada ee uu ku wehelinayey wasiirka madaxtooyada ayaa u muuqata inta badan baratakool xumida iyo is dhex yaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ahi ku dhaleeceeyaan xukuumada. Wajaale News Office Hargeysa/Somaliland Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|