Wasaarada Duulista Hawadda Oo Shaacisay In Diyaarada Ethiopian Airline Maanta Soo Cago dhigan doonto Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Duulista Hawadda Oo Shaacisay In Diyaarada Ethiopian Airline Maanta Soo Cago dhigan doonto Hargeysa
September 21, 2013 - Written by Wariye:

ethopian earlineHargeysa(Wajaale News)-Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradda Ethiopian Airline ay maalinta beri ah si rasmi ah u soo cago dhigan doonto garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Sidaasna waxa shaaciyay Madaxa Pratocolka ee Wasaarada duulista hawadda, waxaana war saxaafadeed uu soo diray uu u dhignaa sidan

Xafiiska Wasiirka Duulista & Hawada

Shir ay maanta magaalada Adis-ababa kuwada yeesheen weftigii wasiirada ahaa ee ka socdey Somaliland iyo wasiirka arrimaha dibedda dalka Itoobiya ayaa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ka mid ah xidhiidhka labada dawladeeda ee Somaliland iyo Itoobiya, oo ah labada dal oo jaar ah uuna ka dhexeeyo xidhiidh dhinac walba leh.

Sidoo kalena waxaanu qoraalkan ku cadaynaynaa in la dhameeyey arrintii shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline, oo dhawaan hakisay duulimeedyadeedii ay ku iman jirtey jamhuuriyada Somaliland, waxaayna duulimaadyadeedii si rasmi ah u bilaabaysaa maalinta berito ah, iyada oo maalinta axada ahna ay soo raacayaan weftiga Somaliland.

Arrintan ayaa ah guul diplamaasiyadeed oo xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud Siillaanyo, ay gaadhay iyada oo arintan ay xukuumaddu ka gashay dedaal badan aakhirkiina lagu guulaystey.

Sida aynu wada ognahay waxay mucaaradku arrintan u turjimeen qaab khaldan, iyaga oo islahaa waxaad ku helaysaa shacbiyad, balse waxaan odhan karnaa mucaaradku way ku fashilmeen iyaga oo kala garanla qaranimada iyo waxyaaha Somaliland wax yeelaynaya.

Dhinaca kale Waxaanu la xidhiidhnay  Afhayeenka Wasiirka duulista iyo hawada ahna Chief Of Protoclka Wasaarada Duulista Cabdilaahi Axmed Caarshe  oo noo xaqiijiyay in ay manta shirkadu duulimaadkeedii koowaad ku imandoonto dalka tii yoo ay lasocdaan wafdigii wasiirada ahaa ee ku sugnaa dalka itoobiya ee uu kamid ahaa wasiirka duulista iyo hawda Somaliland Maxamuud xaashi Cabdi.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS