Warbaahinta Ethiopia oo wax ka qoray sababta ay diyaaradoodu u joojisay duulimaadadii Hargeys. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbaahinta Ethiopia oo wax ka qoray sababta ay diyaaradoodu u joojisay duulimaadadii Hargeys.
September 11, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(downloadWajaalenews) Mareegta Ethipia ayaa sheegtay in Duulimaadyadii Itoobiya Airline ee Somaliland gabi ahaanba la joojisay iyadoo ku sababaysay dhismaha Garoonka oo noqon waayay mid ku haboon, inkasta oo markii hore ay ku qanacday, hadana markii danbe ay ogaadeen inaanu ku haboonayn in ay sii isticmaali karto.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen in markii ay codsadeen in ay berbera dib ugu noqdaan in uu wasiirka Duulista Hawada Somaliland ka diiday, iyagoo talaabada Wasiirka ku macneeyay in uu ku qarinayo fashilaada uu kala kulmay in uu dhiso Dhabo ay isticmaali karaan.

Mareegta Itoobiya waxa ay sheegtay in madaarka dibudhis lagu sameeyay dibu-dhis muddo sanad ku siman isla markaana dhaqaalaha ku baxay ay ku caawisay Dawladda Kuwait, taasoo ay tibaaxeen sida ay ka soo xigteen warbaahinta Somaliland in lacagtaas la musuq maasuqay.

Warbixinta Mareegtani daabacday waxa ay sheegtay madaarka Hargeysa in uu yahay mid aan la istcmaali Karin, isla markaana ay Rakaab badani ku xaniban yihiin, waxaanay ku sababeeyeen musuq maasuqa dhacay, iyagoo tilmaamay Rakaabku in ay yihiin kuwo dhibaato la soo daristay oo ay ku jiraan arday, shaqaale iyo dad kale oo qurbajoog ah oo noqon lahaa. halkan ka sii aqri http://www.ethiopianreview.com

COMMENTS
LINKS