Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kenya Oo Raadinaya Gabadh U Dhalatay Dalka Ingisiiska Oo Layidhaa Samantha Lewthwaite | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kenya Oo Raadinaya Gabadh U Dhalatay Dalka Ingisiiska Oo Layidhaa Samantha Lewthwaite
September 27, 2013 - Written by Wariye:

Samantha LewthwaiteKenya(wajaale News)-Bileyska caalamiga ah ee loo yaqaan Interpol ayaa raadinaya haweeney magaceeda la yidhaa Samantha Lewthwaite oo u dhalaty dalkan Ingiriiska, haweeneydaasi oo lagu xidhiidhinayo inay ku lug lahayd weerarkii ka dhacay rugta Westgate ee magaalada Nairobi.

Dawladda Kenya ayaa codsatay in la soo qabto haweeneydaasi oo da’deeda lagu tilmaamay ilaa 29 jir. Samantha Lewthwaite, waxa la sheegay inay tahay garoob uu hore u qabi jirey nin ka tirsanaa afar qof oo hore uga geystey dalkan Ingriiska falal argagixisnnimo oo isqarxin ah, bishii July ee sannadkii 2005.

Waxana in muddo ahba lagu xidhiidhinayey ururka al-Shabaab oo la rumysan yahay inay u gashay falalkaasi ka dhacay London intii ka danbaysay. Haatan, odhaah ka soo baxday bil;eyska caalamiga ah ee Interpol, waxay sheegeen inay codsi ka heleen booliska Kenya in haweeneydaasi la baadigoobo oo la soo xidho.

Khubarada baaritaanka caalamiga ah ayaa sii wada baaritaanka dhismaha, oo sadex meelood meel ka mid ah ay burburtay intii uu socday weerarka lagu qaaday kooxda maleeshiyada Soomaalida ee al-Shabaab.

Dhinaca, kale waxa maanta lagu jiraa maalintii ugu danbaysay saddexdii cisho ee baroordiiqda ahaa ee laga xusayey dalka, waxaase sii socda aaska dadkii ku dhintay weerarkii xarunta dukaamada

Westgate ee magaalada Nairobi oo ugu yaraan lixdan iyo todoba qof ay ku dhinteen.

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS