War Saxaafadeed Xisbiga Ucid (Canbaareyn Xadhiga Afayeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Saxaafadeed Xisbiga Ucid (Canbaareyn Xadhiga Afayeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil
September 21, 2013 - Written by editor

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party

Ref/UCID/1469/2013 Date:21 /09/2013

WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 21/09/2013 uu war Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa isla markaana Cod Dheer Ku Sheegayaa Xadhiga,Jidh Dilka Iyo Tacadiga Xaqdarada Ah ee loo geestey AFAYEENKA XISBIGA UCID Md:Botaan Gulled Axmed

Falkaas Foosha Xun Oo Maanta Galinki Danbe Abaaro 4:30 Pm (Afartii iyo Badhkii Galabnimo ) ka Dhacey Dakada Berbera Gudaheeda,isaga Oo Hawlo U gaar ah u joogey Dakada ayaa Waxaa Gaadhigiisa ka Soo Dagey Maareeyaha Dakeda Berbera Cali Xor xor oo Yidhi Maxaa Noo Kaa Keenay,Sidoo Kalena Feedh Ku Bilaabey Ka dibna Askartiisa U dhiibey isaga Oo Dhaawac Ah, Kuna Xidhey Saldhiga Yar Ee Dakada Berbera Gudaheeda Ku Yaala

Hadaba Waxaanu ka Xunahey Tacadiga,Xadhiga Iyo Hanjabaada Loo Geysanayo Madaxda Xisbiga Ucid Ee Gobolada Dalka Gaar Ahaan Saaxil Taas Oo Hore U dhacdey Laba Jeer

Ugu Danbeyntii Waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadiisa Ugu Soo Celiso AFAYEENKA XISBIGA UCID isla markaana ka Waantawdo Xadhiga Jidh Dilka iyo Tacadiga Xaqdarada Ah Ee Aad Ku Heysaan Xisbiga Ucid Iyo Saxaafada Madax banaan

Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid

Md Yusuf Keyse Alaahi

COMMENTS
LINKS