WAR DEGDEG AH:- Diyaarad Daallo Airlines oo Baalkeedu Uu Taabtay Terminalka Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEGDEG AH:- Diyaarad Daallo Airlines oo Baalkeedu Uu Taabtay Terminalka Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa
September 26, 2013 - Written by Wariye:

wajaa-80x106Hargeysa (Wajaale News) – Diyaaradda Daallo ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka jiidhay Terminalka Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib markii mid ka mid ah baalasha Diyaaradu uu gaadhay Terminalka. Ma jiro Wax Khasaare ah oo ay soo gaadhsiisay Terminalka, balse goob jooge ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo u waramayay Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay in Trafikadii hayay diyaaradu uu si khaldan ugu soo dhaweeyay Terminalka, markii ay diyaaradu istaagtayna ay baalkii xigay dhinaca Dhismuhu uu gaadhay Terminalka.

Dhinaca kale warar ayaa iyaguna shegaya in Madaarku uusan lahayn calamadaha dhulka kuqoran amaba runway-gu uusan ahayn mid qaadi kara Diyaradaha noocan oo kale ah. Wasaaradda Duulista iyo hawada ayaan wax war ah ka soo saarin khasaaraha soo gaadhay diyaaradda iyo dhismaha midnaba. Wajaale News Hargeysa Office wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS